Muqdisho (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Caasimadda Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Zoobe iyo Banaadir ee Caasimadda Muqdisho, waxaana uu geystay khasaare kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu weeraray…