Daawo: Beel ka tirsan Abgaal oo hub iyo awood

Xaajicali (Axadle) – Beesha Cabdalla Caroone oo kamid ah beelaha dega gobolka Shabeellada Dhexe ayaa dhoola-tus xoog leh ku soo bandhigtay deegaanka Xaaji-Cali oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo lagu qabtay kulan weyn oo beeshu ay uga tashaneysay aayaheeda siyaasadeed. Gaadiid dagaal, hub iyo ciidamo fara badan ayey beeshaan ku soo bandhigtay deegaanka Xaaji-Cali, waxayna waxgaradka beesha oo warbaahinta la hadlay…

Ciidamadii BELEDWEYNE qabsaday oo laga saaray –

Beledweyne (Axadle) – Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) uu guulo ka gaaray kulamo aan loo kala kicin oo 48-kii saac ee u dambeysay uu ka waday magaalada Beledweyne, halkaas oo waayahaan ay ka taagneed xiisad culus. Yuusuf Dabageed oo kaashanaya Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beesha ee ku sugan…

Ciidamadii qabsaday Beledweyne oo laga saaray –

Beledweyne (Axadle) – Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) uu guulo ka gaaray kulamo aan loo kala kicin oo 48-kii saac ee u dambeysay uu ka waday magaalada Beledweyne, halkaas oo waayahaan ay ka taagneed xiisad culus. Yuusuf Dabageed oo kaashanaya Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beesha ee ku sugan…

Daawo: Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo war cusub

Muqdisho (Axadle) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada Ikraan Tahliil oo muddo badan lagu la’yahay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA oo shir jaraaid qabatay ayaa sheegtay in kiiska gabadheeda aan ilaa hadda wax laga qaban. “Iyadoo ay hadleyn culumadii, waxgaradkii beelaha Hawiye iyo siyaasiyiinta weli dowladda Soomaaliya wax way ka qaban la’dahay kiiska gabadheeda, waa arrin yaab leh oo aan horey uga dhicin Soomaaliya, gabadheeda waxay iga…

Qodobada heshiis xasaasi ah oo Turkey iyo Qatar ay

Ankara (Axadle) – Turkey iyo Qatar ayaa si wada-jir ah u maamuli doona garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, ayada oo shirkad amni oo gaar loo leeyahay oo Turkish ay sugi doonto amniga garoonka, sida ku cad heshiis ay la galeen Taalibaan. Heshiiskan oo qabyo qoraal ah ayaa la dhameystiri doonaa kadib markii ciidamada Mareykanka ay soo geba-gebeeyaan ka bixitaankooda Afghanistan, toddobaadka soo socda.  Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip…

Waare oo shaaciyey qorshe siyaasadeed oo ka

Beledweyn (Axadle) – Madaxweynihii hore ee maamul Goboleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay colaadda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Waare ayaa ugu horreyn ka digay sii socoshada colaada gobolka Hiiraan, wuxuuna ugu baaqay beesha uu kasoo jeedo ee Xawaadle inay ka shaqeyso sidii loo damin lahaa xiisadda taagan. “Waxaan maanta maqlay war naxdin leh: in Beledweyne Duleedkiisa lagu dilay…

SOMALILAND oo aqbashay dalabkii Mareykanka ee

Hargeysa (Axadle) – Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Gobaladda Waqooyi ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay diyaar u yihiin qaabilida qaar ka mid ah qaxootiga ka cararaya Afghanistan, kadib markii ay dagaalkaas la wareegtay kooxda Taalibaan. Sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa sidoo kale sheegay in Gobaladda Waqooyi ay wada-hadal kula jirto dowladda Mareykanka, kaas oo ku aadan sidii dib u dajin KMG ah loogu sameyn lahaa dadka uu Mareykanka kasoo daabulayo magaalada Caasimada ah ee Kabul.…

Gobaladda Waqooyi oo ‘ogolaatay’ dalabka MAREYKANKA ee

Hargeysa (Axadle) – Gobaladda Waqooyi ayaa mabda’ ahaan ogolaatay inay qaadato qaxooti kasoo jeeda dalka Afghanistan, sida uu Jimcihii sheegay sarkaalka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Gobaladda Waqooyi ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in Hargeysa ay wada-hadallo la gashay saraakiisha Mareykanka, oo ku saabsan inay si ku-meel gaar ah u marti-geliso qaxootiga Afghanistan. Mareykanka ayaa Afghanistan…

Midowga Yurub oo war kasoo saaray weerar ay biyaha

Muqdisho (Axadle) – Howl-galka Midowga Yurub ee la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa shaaciyey in markab kusoo wajahnaa dekedda Muqdisho uu si diriq kaga bad-baaday weerar maamlo ka hor ku qaadeen burcadbadeed Soomaali ah. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa warbixin kasoo baxday ururka lagu sheegay inay fuliyeen 4 nin oo watay doon kuwa dheereeya ah, balse uu fashilmay weerarkaas. Qoraalka ka soo baxay EU NavFor ayaa waxaa…

Ciidamada Gobaladda Waqooyi oo ‘weerar ku qaaday’ guriga

Hargeysa (Axadle) – Xaaska Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo haatan u xiran Gobaladda Waqooyi ayaa shaacisay inay saaka aroortii hore gurigooda oo ku yaalla Burco weerar ku soo qaadeen ciidan isugu jira Boolis iyo Milatari oo ka trsan maamulkaasi. Aasiya Faarax oo ah xaaska Wariye Coldoon aya abarteeda Facebook-ga ku sheegtay in ciidamadu ay si xoog ah ku soo galeen guriga, kadibna ay baaris ku sameeyeen. Sidoo kale waxa ay shaaca ka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More