Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulamada Lokomotiv vs. Bayern Iyo

Inter Milan ayaa guushii ugu horreysay ee tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ka raadinaysa waddanka Ukraine oo ay marti ugu tahay Shakhtar Donetski oo usbuucii hore 3-2 kusoo garaacday Real Madrid, waxaana uu tababare Antonio Conte oo barbarro 2-2 ah kula soo galay magaalada Milan kooxda Borussia Mochengladbach uu u halgami doonaa inuu guul kusoo helo safarkiisa.Antonio Conte ayaa kusoo bilaabay shax ay hoggaaminayaan weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez iyo dhaliyaha reer Belgium ee Romelu Lukaku,…

Natiijada Kasoo Baxday Wada-hadalladii Kylian Mbappe Iyo PSG

Kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Real Madrid ayaa u xadhko xidhanaya inay ku dagaallamaan weeraryahanka da’da yar ee reer France ee Kylian Mbappe, kaddib markii ay fashil kusoo dhamaadeen wada-hadallo usocday kooxdiisa oo PSG ay ku doonaysay inuu heshiiska ugu kordhiyo.PSG ayaa muhiimadda kooxdaad ka dhigatay sidii ay qandaraaska ugu kordhin lahayd Mbappe oo si xor ah uga tegi doona xagaaga 2022 haddii aanay inta ka horreysa ku heshiin inuu waqtiga u kordhiyo, haddii kalena ay ku qasban yihiin inay iibiyaan marka uu…

Sergio Aguero Oo Seegi Doona Kulanka Manchester City Iyo

Weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero ayaa shaki weyni ku jiraa inuu awoodi doono inuu ciyaaro kulanka kooxdiisu ay kula ballansan tahay Liverpool kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii West Ham ee Sabtidii.Xiddiga reer Argentina oo dhowaan kasoo laabtay dhaawac uu garoomada kaga maqnaa tan iyo bishii June ee sannadkan kaddib markii uu jilibka wax ka noqday ayaa uu haddana dhaawac ka gaadhay muruqa intii ay socotay ciyaartii London Stadium ee ay barbarraha 1-1 wada galeen West Ham.Kulanka Man City ay caawa martida…

Liverpool vs FC Midtjylland & Marseille vs Man City –

Liverpool ayaa gaoronkeeda Anfield ku qaabilaysa FC Midtjylland waxaana Klopp iyo xiddigihiisu ay raadin doonaan in guushii labaad ay kasoo hooyaan tartankan, si ay kaalinta koowaad ugaga soo bixi karto Group D.Reds waxay ciyaartii hore 1-0 dirqi ah kaga soo badisay Ajax, halka Midtjylland si xun loogu soo karbaashay kulankii hore oo ay 4-0 kusoo jiidhay Atalanta BC.Liverpool ayaa taariikh cusub doonaysa inay ka dhigto tartanka Champions League marka ay caawa qaabbisho Midtjylland, waxaanay raadin doontaa in markii  u…

Borussia Monchengladbach vs Real Madrid – Zidane Oo Guushii

Real Madrid ayaa raadin doonta inay guushii ugu horreysay ee Champions League ee xili ciyaareedkan 2020-21 diiwaan-gashato marka ay caawa tagto waddanka Jarmalka oo ay marti ugu noqonayso Borussia Monchengladbach.Los Blancos ayaa guul-darro lama filaan ah loogu xambaariyey garoonkeeda kulankii koowaad ee Champions League, waxaana ka naxsatay Shakhtar Donetsk oo u dhiibtay 3-2, halka Gladbach ay iyaduna barbarro 2-2 ah lasoo gashay Inter Milan.Group B oo ay ku urursan yihiin Real Madrid, Shakhtar Donetsk, Inter Milan iyo…

SADDEX Ciyaartoy Oo Kooxo Waaweyn Oo Premier League Ka

Saddex ciyaartoy oo kooxaha waaweyn ee horyaalka Premier League ka tirsan ayaa ku dhacay baadhitaanka DAROOGADA xili-ciyaareedkii hore ee 2019-20, sida ay kashiftay warbixin sir ah oo lasoo saaray.Wargeyska caanka ah ee The Athletic ee looga dambeeyo dhinaca ciyaaraha ayaa waxa uu sheegay in saddex ciyaartoy laga helay jidhkooda inay ku jirto daroogo laakiin aan si dhab ah loo xaqiijin inay jabiyeen sharciga, taas darteedna ay Hay’adda la-dagaallanka Maandooriyaha ee (UK Anti-DopinG UKAD) ay u ogolaatay inay ciyaari…

Liverpool Oo Ka Guuraysa Garoonkeeda Tababarka Ee Melwood &

Liverpool ayaa ugu dambayn ka guuri doonta garoonkeeda tababarka ee Melwood, waxaanay tegaysaa garoon cusub oo ay ciyaartoydu ku tababaran doonaan oo dhowaan ay ku dhisteen lacag ka badan £50 milyan oo Gini.Xarunta cusub ee tababarka oo lagu magacaabo Kirkby ayay bisha dambe ciyaartoyda iyo tababareyaashuba iska xaadirin doonaan, taas oo qorshuhu ahaa in waqti hore loo wareego balse xanuunka Korona Fayras darteed dib loogu dhigay.Reds ayaa iibisay xarunteeda guunka ah ee Melwood ee ay muddada dheer kusoo qaadanaysay…

Barcelona Oo La Timid Xeelad Ay Bartomeu Iyo Guddida

Maamulka kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maanta warqad gaadhsiiyey Peres Aragones oo ah Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Catalonia, taas oo si cad loogaga dalbanyo in la joojiyo mooshinka codka kalsoonida loogyu qaadayo madxweynaha Josep Maria Bartomeu iyo guddidiisa maamulka kooxda.Isniintii maanta ayay idaacadda RC daboolka ka qaaday in Pere Aragones uu helay warqadda codsiga  ah ee uga yimid Madaxda Barcelona xilli la dardar geliyey in xilka laga qaado, isla markaana si buuxda loo ansixiyey in mooshankani dhaqan-gal…

Laba Ciyaartoy Oo Muhiim U Ah AC Milan Oo Laga Helay Korona

Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba ka mid ah xiddigaheeda uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras ka hor kulanka adag ee ay caawa kula ballansan yihiin AC Milan.Xanuunka Korona Fayras ayaa si weyn ugu faafaya dunida mar kale, waxaana uu ku dhex jiraa bahda ciyaaraha, iyadoo uu hadda go’doon ugu jiro Cristiano Ronaldo balse uu dhowaan kasoo kabtay Zlatan Ibrahimovic oo isaguna in muddo ah guri ugu xaraysnaa.AC Milan waxay sheegtay in baadhitaankii u dambeeyey ee ciyaartoyda kooxdeeda lagu sameeyey,…

Madaxweynaha Faransiiska Oo Aflagaaddeeyey DIINTA ISLAAMKA

Xiddiga Khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aansaday inuu ka fadhiisto ciyaaraha xulka qaranka France kaddib markii uu Madaxweynaha dalkaasi ku gefay Diinta Ilsmaaka oo uu ku tilmaamay mid argagixiso.Laacibka Manchester United ayaa la sheegay inuu aad uga cadhooday hadalka kasoo yeedhay Madaxweynaha waddankiisa Jimcihii, isla markaana uu joojinayo inuu mar dambe dalkaas u ciyaaro, taas oo uu ugu hiilinayo DIINTA Islaamka.Madaxweynaha Faransiiska ayaa la sheegay inuu Diinta Islaamka ku sheegay…