Kiniin La Siiyey Aubameyang Intii Ay Socotay Ciyaartii

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa walaac ku abuuray taageereyaasha kooxda Arsenal intii ay socotay ciyaartii xalay ay guul-darradu kasoo gaadhay ee Leicester City ay ku garaacday 1-0.Aubameyang ayaa kusoo bilowday kulankii xalay, waxaase uu ku dhibaatooday garoonka dhexdiisa oo aanu ku yeelanin saamayntii laga filayay, halka ay dhakhaatiirtu xaaladdiisa gacanta ku qabteen xilli ay ciyaartu socotay oo uu bannaanka u baxay, isla markaana ay siiyeen Kiniin.Laacibkan ayaa kasoo muuqday shaashadaha daqiiqaddii 24aad isaga oo la…

Wargeyska Bixiya Ballon d’Or-ka Ee France Football Oo Sergio

Wargeyska bixiya abaal-marinta Ballon d’Or-ka ee France Football ayaa ku hawlan inuu soo xulo shaxda kooxdii ugu fiicnayd abid oo laga keenayo 11-ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa dunida abid oo loo habaynayo qaab kooxeed.Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa noqon kara difaacii ugu fiicnaa abid kubadda, waxaana la filayaa  inuu boos ku yeelan doono kooxda.Laacibka reer Spain ayaa ah difaaca  dhexe ee kaliya ee ku jira liiska difaacyahannada uu wargeyska France Football shaaciyey ee wali garoomada kusii jira, kuwaas oo…

Safiirka PSG Ee Djorkaeff Oo Shaaciyey Qorshaha Uu Kooxda Ka

Qorshaha Kylian Mbappe uu kaga tegayo kooxda reer France ee PSG ayaa waxa faahfaahin buuxda ka bixiyey safiirka naadigaas ee Youri Djorkaeff.Laacibka reer France ayaa lala xidhiidhinayaa inuu ka tegi doono PSG marka  uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo socda, waxaana kursi gaaban ugu fadhida Real Madrid oo u aragta weeraryahankeeda mustaqalka, iyadoo uu Zinedine Zidane sugayo in isla marka uu fursad u helo uu ka dhigo saxeexiisa ugu horreeya.Mbappe oo isagana la  rumaysan yahay inuu doonayo inuu ka hoos ciyaaro…

Kaddib Guul-darradii Clasico, Barcelona Oo Lagu Wargeliyey

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa war kale oo aanay ku farxin uu soo gaadhay saacado kaddib markii ay guul-darrada 1-3 ah ee ay Real Madrid ugu xambaarisay garoonka Camp Nou.Lionel Messi iyo Philippe Coutinho ayaa Barcelona hoggaamiyeyaasheeda ahaa kulankii Real Madrid waxayse labadooduba ku guul-darraysteen inay shabaqa soo taabtaan iyadoo goolka madiga ah ee ay kooxdoodu dhalisayna uu taariikhda ku galay da’yarka Ansu Fati.Laacibka reer Brazil ee Coutinho ayaa dhaawac kasoo gaadhay muruqa intii ay socotay ciyaartaasi,…

Lacagta Arsenal Kaga Baxday Mesut Ozil TODDOBADII Sannadood

Maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga 2013kii ayay Arsenal lasoo saxeexatay Mesut Ozil oo waqtigaas noqday ciyaartoygii ugu qaalisanaa kaddib markii ay Real Madrid u shubtay lacag dhan £42.4 milyan oo Gini.Kubbad-sameeyahan ayaa qayb ka noqday jiilkii uu gacanta ku dhigay Arsene Wenger, waxaana dhamaadka shantiisii sannadood ee hore loo kordhiyey qandaraaska iyadoo mushaharkana sare loogu qaaday.Markii ay Arsenal lasoo saxeexanaysay, Ozil waxa Real Madrid uga diiwaangashanayd in labadii ciyaarood ee kasta uu ugu yaraan hal…

Lionel Messi Oo Inkaari Kaga Ku Habsatey Kulamada El Clasico Tan

Lionel Messi ayay inkaari kaga dhacday kulamada Clasico ee kooxdiisa Barcelona iyo Real Madrid, tan iyo intii uu horyaalka Spain ka tegay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo. Messi oo ah dhaliyaha ugu weyn ee ay Barcelona haysato, iyo xiddiga ay guulaha ka sugaan ayaan wax gool ah ka dhalinin Real Madrid tan iyo intii uu Ronaldo ka tegay kooxda ka dhisan caasimadda Spain. Toddoba jeer oo ay iska hor yimaaddeen Real Madrid iyo Barcelona ayuu Messi garoonka ka baxay isaga oo aan shabaqa soo taabanin, waxaana ugu…

Xiddig Lacag Qaali Ah Ugu Yimid Manchester United Oo Lagula

Khabiirka kubadda cagta ee Paul Ince ayaa rumaysan in Manchester United ay iibin doonto Paul Pogba kaddib kulankii barbarraha 0-0 ku dhamaaday ee garoonka Old Trafford ku dhex maray Man United iyo Chelsea.Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey kusoo bilowday kaydka Manchester United iyadoo uu tababare Ole Gunnar Solskjaer soo geliyey qaybtii dambe.Laakiin Ince ayaa dareensan inay ahayd in Pogba uu kasoo horreeyo Fred ama Scott McTominay oo uu ciyaartii Chelsea kusoo bilowdo, isla…

“Insha Allah Waa Dagaalkii Iigu Dambeeyey, Geeridii Abbahay

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa ku qasbay Justin Gaethje inuu gargaar weydiisto garsooraha ciyaarta, isla markaana la joojiyo ciyaarta oo socota, kaddib markii uu Khabib Nurmagomedov qoorta kaga qabtay labadiisa lugood oo uu kusoo laabtay, taas oo keentay in feedhkaasi si degdeg ah usoo dhamaado.Khabib Nurmagomedov ayaa xalay mar kale la guddoonsiiyey dagaalka iskugu jira feedhka, laagga, legdinta iyo xuurtooyinka ee loo yaqaano UFC gaar ahaan miisaanka UFC 254.Khabib oo haysta rikoodh 29-0 ah oo aan…

Jurgen Klopp Oo Canaantay Weeraryahannada Liverpool Ee Mane,

Jurgen Klopp ayaa weerar afka ah ku qaaday weeraryahannada kooxdiisa Liverpool markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay xalay dirqiga kaga badiyeen Sheffield United.Liverpool ayaa laba gool ku beddeshay gool rikoodhe ahaa oo Sheffield United ay kala hormartay, waxaana ay libntani siisay in ay figta sare ee horyaalka ku wada fadhiistaan Everton oo ay min 13 dhibcood haystaan, laakiin kooxda tababare Ancelotti ayaa maanta ciyaaraysa kulankeeda usbuucan.Sander Berger ayaa rikoodhe uu muran ku jiray gool ugu beddelay Sheffield…

Patrice Evra Oo Magacaabay Xiddigihii Ugu Fiicnaa Kulankii

Patrice Evra ayaa dhulka ku jiiday ciyaartoyda labada kooxood ee Manchester United iyo Chelsea ee shalay barbarraha  goolal la’aanta ah ku kala baxay kulankoodii Old Trafford.Ole Gunnar Solskjaer iyo Frank Lampard ayaa kulan si weyn loo sugayay waxay ku dhamaysteen goolal la’aan iyadoo ay waliba yaraayeen fursadaha ay kooxahoodu heleen, taas oo la moodayay inay kala baqayeen amaba ay heshiis ku ahaayeen in aanay wax goolal ah kala dhalinin.Patrice Evra oo ku jiray falanqeeyeyaashhii ciyaarta ayaa waxa uu dhaliillay…