SHANTA Weeraryahan Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Horyaalka

Halyeygii Manchester United ee Andrew Cole  ayaa lasoo baxay shantii weeraryahan ee ugu wanaagsanaa taariikhda horyaalka Premier League, waxaanu liiskan ka reebay magaciisa, inkasta oo uu soo dhaliyey 187 gool muddadii uu ka ciyaarayay Premier League.Cole ayaa waqtigiisii ugu wanaagsanaa waxa uu kusoo qaatay kooxaha Newcastle United iyo Manchester United, waxaanu sidoo kale waqtiyo kusoo qaatay Blackburn Rovers, Fulham iyo Manchester City.Liiska ciyaartoyda ugu goolasha badan taariikhda Premier League ayuu kaga jiraa…

Dhakhtarka Gacanta Ku Haya Caafimaadka Mohamed Salah Oo Ka

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah waxa ka muuqda calaamado yaryar oo xanuunka Korona Fayraska ah, sida uu sheegay dhakhtarka xulka qaranka Masar.28 jirkan ayaa lagu qasbay inuu karantiil ku galo waddankiisa kaddib markii uu xanuunku ku dhacay xilli uu ka qayb  galayay xafladda arooska walaalkii, waxaanu Masar sii joogi doonaa illaa  inta uu dhamaysanayo Karantiilka ee baadhitaan kale lagu samaynayo.Laaacibkan ayaa seegi doona kulanka kooxdiisa Liverpool ay Axadda toddobaadka dambe martida u noqon doonto Leicester City. Waxa…

Guardiola, Mourinho, Wenger – Tababareyaashii Lacagta Ugu

Tababareyaasha lacagta ugu badan suuqa geliyey sannadihii tobanka ahaa ee ugu dambeeyey ayaa lasoo bandhigay, waxaana hormood u ah macallimiinta ugu waaweyn ee lagu tilmaamo inay yihiin kuwa ugu guulaha badan.Zinedine Zidane oo shantii sannadood ee ugu dambeeyey koobabka ugu badan kusoo guuleystay, isla markaana gacanta ku dhigay saddex Champions League, laba horyaalka LaLiga, FIFA Club World Cup iyo koobab kale oo maxalli iyo Yurub ah ayaan ku jirin liiska tababareyaasha lacagta badan isticmaalay.Suuqa iibka ciyaartoyda…

Tababaraha Xulka Qaranka England Oo La Ogaaday Inuu Ku

Tababaraha xulka qaranka England ayaa la sheegay in bishii hore uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras, isla markaana ay ka muuqdeen astaamaha lagu garto, balse haddana aan loo sheegin ciyaartoyda xulka qarankan.50 jirkan ayaa toban maalmood ku jiray karantiil shaqsi ah, waxaana kaliya xaaladdiisa la socday xidhiidhka kubadda cagta.Sida la fahamsan yahay, tababaraha ayaa dib ugu soo laabtay shaqada markii ay ka baaba’een calaamadaha xanuunka, isla markaana uu dhamaystay waqtigii caadiga ahaa ee loogu talo-galay inuu karantiilka…

50kii Goolhaye Ee Taariikhda Kubadda Cagta Ugu Wanaagsanaa

Goolhayaha Juventus iyo xulka qaranka Talyaaniga ee Gianluigi Buffon ayaa loo doortay goolhayihii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta abid, sida ay taageereyaasha kubadda cagtu cod ku go’aamiyeen.Halyeygan Talyaaniga ee 42 jirka ah ayaa meel iska dhigay goolhayeyaashii hore ee Manchester United iyo Real Madrid ee Peter Schmeichel iyo Iker Casillas oo waqtiyada qaarkood ay garoomada iyo guulahaba ku xafiiltami jireen.Buffon ayaa xulka qaranka Talyaaniga kula guuleystay Koobkii Adduunka ee 2006kii, waxaana heerka kooxeed…

Natiijada Baadhitaankii COVID-19 Ee Luka Modric Oo Lasoo

Xiddiga Real Madrid ee Luka Modric ayaa laga baadhay xanuunka Korona Fayras kaddib markii uu fayraskani ku dhacay saaxiibkii Domagoj Vida oo la isku beddelay ciyaartii saaxiibtinimo ee waddanka Turkey, taas oo waqtigii nasashada la ogaaday inuu Vida qabay xanuunkan.Modric oo qaybtii hore kaydka ku jiray ayaa beddel kusoo galay ciyaarta, waxaanay taasi shaki weyn ku abuurtay Real Madrid oo si dhow ula socotay haddii laacibkan la beddelay uu taabasho la sameeyey, isla markaana ka qaaday xanuunka.Arrintan oo dhacday Arbacadii…

Dhibaatada Manchester United Oo La Sheegay Inay Dhaawac

Tababaraha xulka qaranka France, Didier Deschamps ayaa shaaciyey in kubadda sameeyaha waddankiisa ee Paul Pogba uu waqtigan ku jiro dhibaata maskaxeeda oo ka dhalatay natiijooyinka iyo ciyaar xumada Manchester United.Deschamps ayaa qiray inuu hoos u dhac ku yimid ciyaarta Pogba, sababtii uu ugu soo bilaabay kulankii Finland ee 2-0 lagaga badiyeyna qayb ka ahayd inuu doonayo inuu kalsoonidiisa dib u dhiso.Tababaraha xulka qaranka France ayaa yidhi: “Kuma jiro qaabkiisii ugu fiicnaa, dabcanna waan ogaa taas.” Ayuu yidhi…

Cesc Fabregas Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Kaliya Ee

Cesc Fabregas ayaa ku dooday in laba ciyaartoy oo kooxdiisii hore ee Arsenal ah ay u ciyaari karayeen Barcelona, kuwaas oo uu xusay inay lahaayeen tayada iyo awoodda xirfadeed ee ay ugu ciyaari lahaayeen kooxda reer Spain.33 jirkan khadka dhexe ayaa muddo siddeed sannadood ah ku qaatay Arsenal ka  hor intii aanu u wareegin Barcelona sannadkii 2011, kaddibna uga soo wareegay Chelsea oo uu waqti ku qaatay ka hor intii aanu tegin Monaco.Laacibka reer Spain ayaa ka mid ahaa xiddigihii uu tababare Pep Guardiola hoggaaminayay ee…

“Haddii Aanad Doonayn Inaad Meel Joogto, Ma Jirto….” –

Luis Figo ayaa soo jeediyey in qalbiga Lionel Messi uu dhaafsiisan yahay Barcelona oo uu yahay mid meel kale jira, xilli uu sannadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa ku qaadanayo Camp Nou.Xiddiga reer Argentina ayaa xagaagii dhowaa u gudbiyey maamulka kooxda codsi uu ku doonayay inuu iskaga tago, balse muran dhashay ayaa ku qasbay inuu sii joogo, si meesha looga saaro in maxkamad la isla tiigsado.Xili ciyaareedkan, Messi ayaa bandhiggiisa ciyaareed ka hooseeyaa midkii looga bartay, waxaanu dhaliyey hal gool oo kaliya oo ciyaar…

Shaxda Liverpool Kala Hortegi Doonto Leicester City Kulanka

Liverpool ayay ka maqan yihiin saddex ka mid ah difaacyadii rasmiga ahaa ee sida rigliga ah ugu soo bilaaban jiray, waxaana afartii dambe uga jooga kaliya Andy Robertson oo isagana shaki la gelinayo.Alexander-Arnold ayaa dhaawacyada kula biiray Van Dijk iyo Gomez oo xili ciyaareedka inta ka hadhay maqnaan doona kaddib dhaawac kasoo gaadhay kulankii Manchester City ee Axaddii usbuucii hore, waxaana uu bannaanka fadhiyi doonaa muddo afar usbuuc ah.Mohamed Salah oo uu ku dhacay Korona Fayras xilli uu ka qayb-galay arooska…