Shaxda Liverpool Kala Hortegi Doonto Leicester City Kulanka

Liverpool ayay ka maqan yihiin saddex ka mid ah difaacyadii rasmiga ahaa ee sida rigliga ah ugu soo bilaaban jiray, waxaana afartii dambe uga jooga kaliya Andy Robertson oo isagana shaki la gelinayo.Alexander-Arnold ayaa dhaawacyada kula biiray Van Dijk iyo Gomez oo xili ciyaareedka inta ka hadhay maqnaan doona kaddib dhaawac kasoo gaadhay kulankii Manchester City ee Axaddii usbuucii hore, waxaana uu bannaanka fadhiyi doonaa muddo afar usbuuc ah.Mohamed Salah oo uu ku dhacay Korona Fayras xilli uu ka qayb-galay arooska…

Tobanka Difaac Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan Oo Lasoo

Virgil van Dijk ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxay tobanka difaac ee ugu wanaagsan waqti xaadirkan dunida, waxaana inkasta oo uu dhaawac ku maqan yahay uu haddana xajistay booskan oo qiimayno la sameeyey marar badan loogu soo xushay kaalinta koowaad.Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa kaalinta saddexaad fadhiya, waxaase labaad ku jira saaxiibkiisa ay khadka dambe uga wada ciyaaraan Los Blancos ee Raphael Varane oo qaladaad badan ka samaynayay garoomada xili ciyaareedkan iyo kulamadii Champions League ee Manchester…

Usain Bolt Oo Magacaabay Xiddigga Isaga Ka Badinaya Haddii

Usain Bolt oo haysta rikoodhka orodyahanka ugu dheereeya dunida ayaa magacaabay in xiddig kubadda cagta ah uu waqtigan ka dheeraynayo haddii ay baratamaan.Bolt oo orodka ka fadhiistay sannadkii 2017kii kaddib siddeed jeer oo uu ku guuleystay biladda dahabka ah ee olombikada ee ciyaartoyga ugu dheereeya dunida msaafada 100ka  mitir iyo 200 mitir ayaa waxa uu shaaciyey in waqtigan uu hoos u dhac badan ku yimid, isla markaana uu u baahan yahay inuu is diyaariyo haddii ay noqoto inuu la tartamo xiddig kubadda cagta ciyaara oo…

“Sariirtii Hore Ayaa Mar Kale La Isoo Dhigay…” Joe Gomez Oo

Joe Gomez oo dhaawac culus kasoo gaadhay jilibka, isla markaana lagu sameeyey qalliin guuleystay ayaa la dhigay sariirta daaweynta ee uu jiifay xilligii Koobka Adduunka ee 2018kii uu qarankiisa dhaawac culus kaga maqnaa.Laacibkan oo dhaawacu kasoo gaadhay xulka qaranka England oo uu tababarka la qaadanayay ayaa Khamiistii mindidada loo qaatay, waxaanay kooxdiisu ka gaabsatay inay qabato waqtiga suurtogalka ah ee uu kusoo laaban doono, inkasta oo khubarada aqoonta u leh dhaawacyada noocan ah ay shaaciyeen in ugu yaraan muddo…

Xiddigga Weyn Ee Real Madrid Ay Saxeexa Koowaad Ka

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay ka shaqayso in bilaha ugu horreeya sannadka soo socda ee 2021-ka ay meel sii dhigato saxeexa ugu horreeya ee ay samayn doonto marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo socda, kaas oo ah xiddig weyn oo ay rumaysan yihiin inuu xallin doono dhibaatada afka hore ee goolal yaraanta.Los Blancos oo dhibaatootay intii uu Cristiano Ronaldo oo ahaa dhaliyahooda ugu weyn uu kasii maqnaa, ayaa waxay bartilmaameedka koowaad ka dhigan doontaa xiddiga da’da yar ee…

“Waxay Haystaan Ceballos, Xhaka, Thomas, Willian,

Halyeygii Arsenal ee Cesc Fabregas ayaa qiray in tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ay ku kulmeen dhibaatooyin uu dhexda kaga jiro, kuwaas oo uu xusay inay u baahan yihiin inuu kaga soo kabto natiijooyin wanaagsan oo uu sameeyo, maadaama wax waliba ku xidhan yihiin inuu dhibco ka keeno kulamada.Gunners ayaa dhibaato ku bilaabatay horyaalka xilli ciyaareedkan, waxaana laga badiyey afar ka mid siddeeddii ciyaarood ee fasal ciyaareedkan iyagoo guud ahaan dhaliyey sagaal gool oo kaliya.Ciyaartii ugu dambaysay waxa 3-0 ku…

Liverpool Oo Mar Kale La Tusay Sida Roberto Firmino Goolasha

Neymar ma joogin, haddana walaac ma haysanin Brazil, sababtoo ah, waxay haysteen Roberto Firmino oo hoggaamiyahooda noqday kulankii at xalay ku garaaceen Venezuela ee ay hoggaanka ugu qabteen kala-sarraynta waddamada Latin America ee isreeb-reebka Koobka Adduunka.Xulka qaranka Brazil ayaa jabin kari waayey derbiga Venezuela dhigatay, waxaanay ku dhibaatoodeen magaalada Sao Paulo illaa uu Roberto Firmino tusinayay mar kale inuu yahay libaax marka loo baahan yahay badbaadiye ah.Laacibkan ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqaddii…

Difaaca Ayuu Ka Ciyaarayey, Wuxuu Ahaa Mid Dagaallama, Been

Markii uu da’yarta ahaa, waxa uu jeclaa inuu ka ciyaaro difaaca midig, sababtoo wuxuu ahaa mid xamaasad badan, jecel inuu si adag u dagaallamo, taakooyinna ku qabta ciyaartoyda kasoo horjeedda. Tababarihiisii waqtigaas ayaa u riixay inuu difaaca dhexe soo galo oo uu garabka weerarka ka dhaqaaqo.Tababarihiisa ayaa u sheegay in ‘haddii uu doonayo inuu noqdo ciyaartoy sare, inuu ka ciyaaro difaaca, haddii uu doonayana uu khadka dhexe tegi karo’. Balse difaacidda ayuu ka dhego-adaygay, waxaanu doortay nuu khadka dhexe hore ugu…

Jose Mourinho Oo Laga Ganaaxay Europa League & Tottenham Oo

Tababaraha kooxda kubadda cagta Tottenham ee Jose Mourinho ayaa bannaanka ka joogi doona hal kulan oo tartamada Yurub ah, sida ay UEFA shaacisay.Mourinho ayaa lagu ciqaabay habsaan ay kooxdiisu samaysay kulankii Europa League ee Royal Antwerp ay wada ciyaareen October 29.War-saxaafadeed guddida anshaxa UEFA soo saartay ayaa waxa kale oo lagu sheegay in Tottenham lagu xukumay lacag ganaax ah oo dhan £23,000 Gini oo garoonka ay ka habsaameen ah iyo 3,000 Euro oo kale oo ah inay jabiyeen shuruucda hab-dhaqanka wanaagsan.UEFA…

Ku Qoro Lacagta Aad Doonto!! PSG Oo Jeeg Madhan Oo Lacagta U

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa jeeg madhan oo lacagta uu doono uu ku qoran karayo farta ka saaraysa kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos oo heshiiska uu kula jiro kooxdiisu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan.Real Madrid ayaa ka gaabinaysa inay si degdeg ah uga halwgasho in kabtankeeda ay siiso heshiis waqti kordhin ah, iyadoo isasiinaysa kalsooni ah in aanu meelna uga soconin oo waqtiga ay doonaan ay u bandhigi karayaan qandaraas cusub.Laakiin kooxda reer France ee PSG ayaa la sheegay inay lacag waalli ah oo mushahar ah u…