Luis Suarez Oo Uu Cudurka Korona Fayras Ku Dhacay,

Weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa laga helay cudurka Korona Fayras oo ku dhacay isagoo ku maqan waddankiisa oo uu kala qayb-gelayo kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee dalalka Latin America.Weeraryahanka Atletico Madrid ayaa baadhitaano lagu sameeyey Isniintii waxa lagu ogaaday inuu hayo xanuunkan, laakiin xaaladdiisa guud ee caafimaad ay tahay mid deggan oo aanay ka muuqanin wax astaamo ah, iyadoo aanay jirin wax dhibaato ah oo uu dareemayo.Arrintan oo dhibaato weyn ku ah xulka qaranka Uruguay iyo Atletico…

Shaxda Manchester United Ee Kulanka West Brom Xilli Ay Ka

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kasii fikiraya shaxda uu Sabtida kala hor tegi doono West Brom Albion, waxaana walaac ku haya dersin ciyaartoydiisa oo dhaawac ah iyo kuwo kale oo daal kala soo laaban doona kulamada caalamiga ah.United ayaa 3-1 ku garaacday Everton kulankii ugu dambeeyey horyaalka, waxaanay guushaas kaga nefistay culayskii badnaa iyo khasaarihii iskugu xig-xigay ee kasoo gaadhay horyaalka iyo tartanka Champions League.Kulanka soo socda, Eric Bailly iyo Jesse Lingard ayaa labaduba ku maqnaan doona dhaawacyo…

Laf-dhabarka Barcelona Ee Sergio Busquets Oo La Shaaciyey Ku

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Sergio Busquets ayaa seegi doona kulamo muhiim u ah waddankiisa iyo kooxdiisaba kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay jilibka lugta bidix.Sergio Busquets ayaa baadhitaannadii lagu sameeyey maanta oo Isniin ahayd ay muujiyeen inuu dhaawac ka qabo jilibka lugta bidix, kaas oo keenay in kulankii Switzerland ee Axaddii uu dalbado in laga saaro qaybtii dambe.Sawirrada laga qaaday ayaa waxay muujiyeen in laacibkan aanu awoodi karayn inuu ka qayb-qaado kulanka…

Roy Keane, Gerrard, Lampard, Scholes, N’Golo Kante – 50kii

Taageereyaasha kubadda cagta adduunka ayaa soo doortay xiddigihii khadka dhexe ee ugu wanaagsanaa taariikhda horyaalka Premier League, waxaana hoggaanka u qabtay kabtankii Manchester United ee Roy Keane oo kasoo hor maray xiddigihii ay xafiiltami jireen ee Steven Gerrard, Frank Lampard iyo Paul Scholes oo ay isku koox ahaayeen.Sidii aanu kusoo bandhigtay qormo aanu daabacnay laba maalmood ka hor, taageereyaasha ayaa soo xushay 50kii goolhaye ee ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta iyadoo afti laga qaaday isku-geynteeda…

“Labadii Ciyaartoy Ee Aan Ugu Jeclaa Ayaa Kasii Socda

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa sheegay in laba ciyaartoy oo uu kubaddooda aad u jeclaa, inta badanna ku raaxaysan jiray kubadda kasii socdaan.Javier Mascherano iyo Fernando Gago ayaa bishan gudaheeda ku dhawaaqay inay ka fadhiisteen kubadda cagta, waxaana warkoodu waran ku noqday Lionel Messi oo aanay dhegihiisu jeclaysanin in xiddigihii uu la ciyaaristooda ku farxi jiray ay hadda garoomada macasalaameeyeen.Labadan ciyaartoy ee hore ayay khadka dhexe uga soo wada ciyaareen xulka qaranka…

Mathieu Flamini Oo Iibsan Karaya Man United, Chelsea, Man

Ciyaartoygii hore ee khadka dhexe ee Arsenal ee Mathieu Flamini ayaa la sheegay inuu ku hamiyayo inuu iibsado koox iyadoo ay qasnaddiisana ku jirto lacag lagu qiyaasay 30 bilyan oo Euro oo uu ka sameeyey ganacsiyo si degdeg ah u guuleystay iyo warshado uu samaystay.Mathieu Flamini oo ay da’diisu tahay 36 jir, waqtigiisii ugu fiicnaana kusoo qaatay Arsenal oo uu u ciyaaray 246 ciyaarood ayaa waxa uu la qaaday saddex koob oo FA Cup ah iyo finalkii Champions League ee 2006 oo uu ciyaartoygii ay Barcelona koobka ka qaadday ka…

Mishiinka Cusub Ee Zidane Ka Istaadhay Real Madrid, Xiddiga

Markii ay BBC-dii weerarka ee Karim Benzema, Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo ay dhalinayeen goolasha ugu badan ee Real Madrid ee ay sida xidhiidhka ah kooxdu ugu guuleysatay saddexda Champions League, saddexda ciyaartoy ee khadka dhexe ee Casemiro, Toni Kroos iyo Luka Modric ayaa ahaa fureyaasha iyo maskaxda uu isticmaalayay Zinedine Zidane.Tan iyo intii ka dambaysay finalkii Champions League ee 2018 ee magaalada Kiev, labadan qaybood ee muhiimka u ahaa guulaha Real Madrid ba hoos u dhac iyo burbur ayaa ku yimid. Weerarka…

Bruno Fernandes Oo Saamayn Wanaagsan Iyo Mid Xunba Ku

Bruno Fernandes oo Manchester United kusoo biiray bishii January ee sannadkii hore, waxa uu isbeddel ku sameeyey qaab ciyaareedkii kooxda, isagoo dib usoo nooleeyey rajada taageereyaasha ee marka hore niyad-jabka ka qabay in xataa ay awoodi doonaan inay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan qayb ka noqon karaan.26 jirkan ayaa dhaliyey lix gool, shan kalena caawiye ka noqday 11kii ciyaarood ee ugu horreeyey ee uu u saftay Manchester United, waxaana layaab ahayd sida degdegga ah ee uu ula qabsaday iyo maskaxda…

Aubameyang Iyo Ciyaaryahanadda Gabon Oo Muddo LIX SAACADOOD Ah

Ciyaaryahanadda xulka qaranka Gabon ayaa muddo lix saacadood ah lagu haystay garoonka diyaaradaha ee Gambia xilli ay doonayeen inay waddankaas la ciyaaraan kulan ka tirsan isreeb-reebka tartanka African Cup of Nations.Dhacdadan oo ahayd ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin ee ay xiddigaha Gabon kasoo dageen garoonka diyaaradaha ayaa waxa baasabooradooda la wareegay laanta Socdaalka ee Gambia, waxaana layaab noqotay in muddo lix saacadood ah laga haystay baasaboorada oo aan loosoo celinin.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa…

Donald Trump Iyo Kooxda Leeds United Oo Warbaahinta Iskugu

Leeds UNited ayaa baraha bulshada ugu jawaabtay Madaxweynaha muddadiisu sii dhamaanayso ee waddanka Maraykanka ee Donald Trump, kaas oo baraha bulshada ka sameeyey arrin kooxdan la la xidhiidha.Madaxweyne Trump oo weerar ku qaadayay telefishanka Telefishanka FOX NEWS waxa ereyadii qallafsanaa ee uu kusoo xusay (mention-gareeyey) ama tag gareeyey barta Twitterka ee taageerada Leeds United ee “Lifelong Leeds United”, taas oo keentay in kooxduna jawaab degdeg ah oo ku maadaysi ah ay ka bixiso.Leeds United ayaa waxay qoraal ay…