Grealish, Son, Salah Iyo Qiimaynta 20ka Xiddig Ee Ugu

20ka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sarreeya horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ayaa lasoo saaray, waxaana kaalinta koowaad ka galay xiddig lama filaan ah oo ay naadiyo waaweyn ku dagaallamayaan sidii ay saxeexiisa ugu guuleysan lahaayeen.Xili ciyaareedkan ayay ruxeen kiisaska Korona Fayraska ee laga diiwaangelinayo garoomada, iyo dhaawacyada halista ah ee ciyaartoyda soo gaadhay, kuwaas oo madax xanuun ku noqday tababareyaasha oo qaarkood ay xulashadu ku yaraatay.Dhacdooyinka murugada leh ee kiisaska Korona iyo…

La Liga Oo Go’aamiyey Mushaharka Ugu Badan Ee Ay Kooxuhu

Maamulka Horyaalka La Liga ayaa shaaciyey xaddiga lacagta ay koox waliba mushahar ahaanta u bixin karto xili ciyaareedkan, taas oo lagu salleeyey miisaaniyadda naadi walba.Barcelona oo mushaharka ay bixin karto loo ogolaa inuu ugu badnaan noqdo £601 milyan oo Gini ayaa lagu wargeliyey in aanu mushaharkooda xili ciyaareedkan ka badan karin £342 milyan oo Gini, taas oo ka dhigan in ku dhowaad kala-badh ay mushaharkeeda hoos u dhigi doonto.Real Madrid ayaa nefis ka dareemaysa marka loo eego Barcelona, waxaanay sannadkii hore…

“Anigoo Yar Baan U Ciyaaray Arsenal, Nasiib-darro Way I

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Tottenham iyo xulka qaranka England ee Harry Kane ayaa shaaciyey inay Arsenal si nasiib-darro ah ugu ogolaatay inuu ka tago, xilligii uu ka mid ahaa da’yarteeda.Kane oo ka jawaabayay su’aalo uu weydiinayay khabiirka kubadda cagta ee Piers Morgan ayaa si lama filaan ah afka uga hadhay, meeshana ka saaray suurtogalnimada inuu ka mid noqon karayo kooxda uu carruurnimada soo maray.Piers Morgan oo tan iyo intii uu ciyaaraha ka fadhiistay aan marnaba qarsanin heerkiisa taageerada Arsenal, ayaa…

“Fulayiintii Masaarida Ayuu Cabsi Ku Dhex Faafiyey, Isaga

Mohamed Salah ayaa lagu eedeeyey inuu ka tallaabay xayndaabka xakamaynta xanuunka Korona Fayras, isla markaana uu tegay xaflad aroos oo walaalkii lahaa xilli dunidu kala xidh-xidhan tahay oo ay ahayd inuu is-dhawro balse taas beddelkeeda uu xafladdii kasoo qaaday Xanuunkan.Halyeygii Masar ee Mido ayaa ku tilmaamay Mohamed Salah inuu baqasho iyo cabsi ka abuuray xarunta tababarka xulka qaranka Masar, kuwaas oo uu ku sifeeyey inay yihiin ‘fulay’.Mohamed Salah oo ay da’diisu tahay 28 jir ayaa seegaya kulamada horyaalka Premier…

Gilberto Silva Oo Kooxdiisa Hore Ee Arsenal Usoo Jeediyey

Xiddigii hore ee khadka dhexe uga ciyaari jiray Arsenal ee Gilberto Silva ayaa u tilmaamay naadigiisa hore, inay si degdeg ah uga hawl-galaan  laacib khadka dhexe ah oo wax badan kusoo kordhin kara haddii ay lasoo saxeexdaan.Jack Grealish oo ah kabtanka khadka dhexe ee Aston Villa ayaa wacdaro ka dhigaya horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, isagoo fasal ciyaareedkii horena naadigan ka badbaadiyey inay dib ugu noqdaan heerka labaad.Toddoba gool oo uu dhaliyey iyo shan caawimood oo uu raaciyey, waxa u dheerayd inuu…

Qiimaynta Xulalka Haysta Ciyaaryahanadda Ugu Qaalisan Yurub Oo

Qiimaynta xulalka qaaradda Yurub ayaa la shaaciyey, waxaana kaalinta koowaad kusoo baxay England oo haysta safka ugu qaalisan.Xulka qaranka England oo ay ku urursan yihiin ciyaartooyo da’yar ah oo tayo badan, ayaa waxa qiimahoodu uu joogaa marka la isku-celceliyo €1.40 bilyan.Shabakadda qiimaynta iyo xog ururinta ee Transfermarkt ayaa shaacisay 20ka waddan ee haysta ciyaartoyda ugu qaalisan ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ee dib loogu riixay sannadka dambe kaddib markii uu Fayraska Korona sababay in la joojiyo…

Liverpool Oo War Cusub Ka Heshay Dhaawacyada Henderson Iyo

Liverpool ayaa war farxad leh ka heshay Jordan Henderson iyo Andy Robertson oo ku dhaawacmay kulamadii caalamiga ahaa ee toddobaadkan, waxaanay rajo ka qabtaa inay dib usoo laaban doonaan ka hor kulanka Leicester City ee Axadda.Henderson ayaa la beddelay waqtigii nasashada ee kulankii Belgium oo uu awoodi kari waayey inuu ciyaarta kusii jiro, waxaanay arrintaasi walaac ku abuurtay tababare Jurgen Klopp oo ka baqayay inuu ku biiro liiska ciyaartoyda kale ee waqtiga dheer ka maqnaanaya ee muddooyinkii u dambeeyey sariirta loo…

Sancho→Man United, Ramos→PSG, Henderson→Celtic,

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada…

Premier League Oo Shaaciyey Tirada Ciyaaryahanadda Uu Xanuunka

Maamulka Premier League ayaa shaaciyey kiiska xanuunka Korona Fayraska ee toddobaadkan laga diiwaangeliyey horyaalka, taas oo muujisay sare u kac aad u sarreeya.War-saxaafadeed uu Premier League soo saaray xalay ayaa waxa uu ku sheegay in 1,207 ciyaartoy iyo shaqaale ah ay ka baadheen xanuunka usbuucii ugu dambeeyey ee kasoo bilowday November 9 illaa November 15, isla markaana ay soo baxday natiijo werwer leh oo muujinaysa inay sare u kaceen tirada ciyaartoyda uu xanuunkani ku dhacay.Natiijada baadhitaannadii toddobaadkii…

Kooxda Uu Sergio Ramos Doonayo Inuu Ciyaaraha Kaga Fadhiisto

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Perez ayaa muujiyey dareen ah inay rajo ka qabaan in kabtanka kooxdaas ee Sergio Ramos uu saxeexi doono heshiis cusub ka hor inta aanu dhamaanin qandaraaskiisa hadda ee bilaha kooban ka hadhsan yihiin.Wakiillada Sergio Ramos ayaa la sheegay in waqtigan ay wada-hadallo kula jiraan kooxda ka dhisan caasimadda Madrid, si ay heshiis uga gaadhaan in waqtiga qandaraaska laacibkan la kordhiyo ka hor inta aanu dhamaanin heshiiskiisa waqtigani.34 jirkan ayaa la sheegay inuu…