Mesut Ozil Oo Soo Xushay Shaxdiisa SHAN Geesoodka Ah,

Mesut Ozil ayaa soo xushay shaxdiisa shan geeskoodka ah, waxaanu uga dhaartoy ciyaartoyda kooxdiisa hadda ee Arsenal, halka uu kasoo buuxiyey laacibiintii ay kusoo wada qaateen Real Madrid ee ay illaa hadda qaarkoodna sii joogaan Santiago Bernabeu.Ozil oo 32 jir ah ayaa Arsenal usoo wareegay sannadkii 2013kii, waxaanu waqtigan ku dhibaataysan yahay Emirates Stadium iyadoo laga reebay liiska ciyaartoyda horyaalka Premier League iyo Europa League ciyaaraysa intaba.Kulan ciyaareed caadi ah oo uu safto waxa ugu dambaysay bishii…

Labada Xiddig Ee Ka Maqan Iyo Shaxda Adag Ee Chelsea Ay Kula

Chelsea ayaa la filayaa in aanay safka koowaad ugu soo baalabanin labada ciyaartoy ee Christian Pulisic iyo Thiago Silva kulanka Sabtida ee Newcastle United, waxaanay sababtu tahay in difaaca reer Brazil uu safar dheer oo diyaaradeed soo galay iyo Christian Pulisic oo dhaawac ah.Laakiin Frank Lampard ayaa war wanaagsan ka helay Kai Havertz oo kasoo kabanaya xanuunka Korona Fayras, halka Pulisic uu xaqiijiyey in aanu taam u noqon karaynin ciyaartan oo aanu wali tababarka si buuxda u qaadanin.“Christian Pulisic taam uma aha…

Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Ka

Pep Guardiola ayaa heshiiska cusub ee uu u saxeexay kooxdiisa Manchester City, waxa uu ugu dabbaal-degi doonaa hanashada horyaalka Premier League oo ay xili ciyaareedkan ku guuleysan doonaan, sida uu saadaaliyey Supercomputer oo soo saaray saadaal cusub kaddib kulamadii caalamiga ahaa ee dhaawacyada iyo xanuunnada ay kasoo qaadeen ciyaartoyda badan.Liverpool ayaan awoodi doonin inay difaacato horyaalka ay sannadkii hore ku guuleystay, isla markaana ay kusoo afjartay 30 sannadood oo ay abaar kaga jirtay koobka.Saadaasha cusub…

Chelsea, Barcelona, Real Madrid, Liverpool Iyo 10ka Kooxood

Benfica ayaa noqotay kooxda lacagtii ugu badnayd ka samaysay iibinta ciyaartoydeeda, waxaana tobankii sannadood ee ugu dambeeyey xiddigihii ay iibisay kasoo gashay lacag gaadhaysa £1 bilyan oo Gini.Kooxdan ayaa sannadihii ugu dambeeyey waxay soo saartay jiil da’yar oo dahabi ah, kuwaas oo ay kujiraan laacibiin ay kasoo iibsatay qaaradda Latin America balse ay markii dambe usii dirtay kooxaha waaweyn ee Serie A, Premier League iyo LaLiga.Atletico Madrid ayaa kaalinta labaad kaga jirta liiska kooxaha faa’iidada badan ee…

Mushaharka Ciyaaryahanadda Manchester United Ee

Manchester United oo sannadihii ugu dambeeyey ku dhibaatoonaysay garoomada, waxay ka mid ahayd kooxaha ugu guulaha badan dunida iyo Ingiriiska gudihiisaba, waxaanay haysataa 20 koob oo horyaalka oo 13 ka mid ah ay qaadday intii horyaalku uu qaatay magaca Premier League.Waxa kale oo ay haystaa 12 FA Cup,l shan League Cup iyo 21 Community Shield. Waxa kale oo u raaca tartamada qaaradda Yurub, iyadoo diiwaankeeda ay ku jiraan Saddex Champions League, hal Europa League iyo koobka la odhan jiray European Cup.Xili ciyaareedkii…

Hasselbaink Oo Magacaabay LABADA Ciyaartoy Oo Haddii Chelsea

Jimmy Floyd Hasselbaink ayaa usoo jeediyey Chelsea inay bishan January lasoo saxeexdaan laba ciyaartoy oo uu rumaysan inay u sahli doonaan inay horyaalka Premier League ku garaacdo Liverpool iyo Man City isla xili-ciyaareedkanba.Blues ayaa hadda ku jirta kaalinta shanaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, waxaanay saddex dhibcood ka dambeysaa Leicester Ctiy oo hoggaanka haysa, iyadoo afar guulood kasoo heshay siddeeddii ciyaarood ee ay dheeshay.Kooxda tababare Frank Lampard oo xili ciyaareedkii hore ku…

Garsoorihii Ay Liverpool Ka Cabatay Ee David Coote Oo Loo

David Coote ayaa laga beddelay garsooraha VAR ee kulanka adag ee Liverpool ay Axadda toddobaadkan kusoo dhoweyn doonto Leicester City, kaas oo ah mid xaasaasi ah oo ay xamaasaddiisa dabooleen dhaawacyada tirada badan ee ku habsaday Liverpool.David Coote ayaa hore loogu magacaabay inuu noqdo garsooraha VAR-ka fadhiyaya kulankan, hase yeeshee, waxa lagu beddelay Andre Marriner oo shaashadaha iyo kaamirooyinka indhaha ku hayn doona, si uu garsooraha dhexe uga caawiyo haddii qaladaad dhacaan amaba waxyaabo uu arki waayo ay…

20kii Lammaane Ee Goolasha Iyo Caawinta Ugu Badan Ka

20kii ciyaartoy ee sida lamaanaha ah iskaga kaashaday gool-dhalinta iyo caawintii ugu badnayd horyaalka Premier League ayaa la qiimeeyey, waxaana laga soo xulay kuwii sida layaabka lahaa isku fahmi jiray intay garoonka ku jiraan.Xiddigaha lasoo xulay ayaa waxa ku jira kuwa illaa hadda garoomada kusii jira oo bandhig cajiib ah samaynaya, iyo kuwo duqoobay oo mar hore ka fadhiistay ciyaaraha.Weeraryahannada Tottenham ee Harry Kane iyo Son Heung-min oo xili ciyaareedkan dhaliyey goolal badan oo cajioib ah ayaa kusoo baxay…

Wuxuu Galay Safar 20,700 Kiilo Mitir Ah, Wuxuu Soo Laabtay

Zinedine Zidane ayaa kusoo dhoweynaya garoonka tababarka ee Valdebebas laacibka garabka uga ciyaara kooxdiisa ee Vinicius Junior oo kusoo hungoobay safar aad u dheeraa oo 20,700 kiiloo mitir qaatay oo uu ku tegay waddankiisa Brazil isagoo rajaynayay inuu soo helo waqti uu isku muujiyo oo uu indhaha dunida ugu muujiyo inuu u qalmayo inuu joogto ka noqdo xulkiisa iyo Real Madrid intaba.Vinicius Junior waxa safarka dheer ee intaas oo kiiloo mitir qaatay uu kusoo laabanayaa kooxdiisa isagoon hal daqiiqadood na la siinin oo aan…