Real Madrid Oo Guul-darro Ku Bilaabatay Champions League,

Real Madrid ayaa guul-darro ku bilaabatay tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana 3-2 ku garaacday kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donetsk oo ugu timid magaalada Madrid.Zinedine Zidane ayaa ciyaartii labaad oo xidhiidh ah ay kooxdiisu guul-darro la kulantay, iyadoo ay waliba kusoo fool leedahay Barcelona oo Sabtida ay ku wada ciyaari doonaan Camp Nou.Shakhtar ayaa ciyaarta ku hoggaaminaysay 3-0 qaybtii hore, waxaana goolka hore u dhaliyey Tete daqiiqado ka hor intii aanu Varane iska dhalinin goolka labaad…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Man City vs Porto – Guardiola

Manchester City ayaa shax xooggan kusoo bilaabatay ciyaarta ay ku martigelinayaan FC Porto ee garoonka Etihad Stadium, waxaana hoggaaminaya weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero.Tababare Pep Guardiola ayaa weerakra wada keenay Raheem Sterling, Aguero iyo Bernardo Silva, halka dhexdana ay Gundogan, Rodrigo iyo Riyad Mahrez wada joogaan.Ruug-caddaaga reer Brazil ee Fernandinho ayaa kaydka kala soo muuqda Ferran Torres oo xagaagii ay soo iibsatay City, Phil Foden Zinchenko iyo John Stones.Difaaca ay kasoo qaateen FC…

Chelsea Oo Gudbisay 25ka Ciyaartoy Ee Premier League Uga

Goolhayihii hore ee Arsenal iyo Blues ee Petr Cech ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda Chelsea ee loo gudbiyey maamulka Premier League ee horyaalka Ingiriiska ka ciyaari doona fasal ciyaareedkan.Petr Cech oo ay da’diisu tahay 38 jir ciyaarahana ka fadhiistay sannado ka hor ayaa dib ugu soo laabanaya garoomada, isaga oo waliba ah Lataliyaha Faramsada iyo bandhigga ee kooxda oo si weyn uga shaqeeya dhinaca iibka iyo wada-xaajoodyada ciyaartoyda lala soo saxeexanayo.Frank Lampard ayaa Petr Cech ugu daray kooxdiisa si uu xal…

Marcus Rashford Oo Magacaabay Geesigii Aan Loo Heesin Ee

Marcus Rashford ayaa rumaysan in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu mudan yahay in looga mahad-celiyo, lana siiyo amaanta guusha kulankii Paris Saint-Germain ay kasoo gaadheen xalay ee tartanka Champions League.Manchester United ayaa 2-1 kusoo garaacday PSG kulanka furitaanka Group-ka dhimashada ee H, taas oo ay kasoo heleen saddexda dhibcood.Solskjaer ayaa khatar badan u badheedhay ciyaartan, waxaana uu qaatay go’aamo uu isbeddello waaweyn ugu sameeyey safkiisa, isaga oo kusoo bilaabay Axel Tuanzebe oo kulankiisii ugu…

Ajax vs Liverpool & Man City vs Porto – Shaxaha Macquulka Ah

Liverpool ayaa tartanka Champions League ee xili ciyaareedkani uu ugu bilaabmayaa safar ay ku joogto waddanka Netherlands oo ay ugu tagtay Ajax, halkaas oo caawa ay kulan adag jilbaha isku dhigan doonaan garoonka Cruyff ArenA.Labadan kooxood oo ku wada jira Group D ayaa isku-geyn waxay kusoo wada guuleysteen toban koob oo Champions League ah, laakiin kulankoodan ayaa waxa uu yahay midkii ugu horreeyey ee ay marxaladdan oo kale isku beegmaan muddo 54 sannadood ah.Xili ciyaareedkii 1966-67 ayaa iskugu dambaysay in Ajax iyo…

Xiddigii Garoonka Ee Lama Filaanka Ahaa, Fadeexaddii Neymar

Manchester United waxay guul muhiim ah ka gaadhay kooxda finalka Champions League tagtay xili ciyaareedkii hore ee PSG oo ay marti ugu ahayd magaalada Paris.Bruno Fernandes ayaa hoggaanka u dhiibay Manchester United daqiiqaddii 23aad, waxaana uu gool u beddelay rikoodhe loo dhigay markii ay difaaca PSG qalad ku galeen Anthony Martial.Qaybtii hore ee ciyaarta oo ay United firfircooni lahayd isla markaana ay sirta isku-xidhka iyo dhamaystirku ka xumaa PSG ayaa waxay keentay in 1-0 ay ciyaartu kusoo dhamaato.Anthony Martial…

Chelsea & Sevilla Oo Goolal La’aan Ku Kala Baxay, Lazio Oo

Chelsea ayaa barbarro ku bilaabatay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaana ay awoodi kari waayeen inay libin ka gaadhaan Sevilla oo marti ugu ahayd Stamford Bridge.Tababare Frank Lamaprd ayaa shax adag lasoo shir tegay, laakiin Julen Lopetegui ayay kooxdiisu ahayd mid xooggan oo awood u yeelatay inay dhibaatooyin badan u geysato Chelsea oo garoonkeeda joogta, iyadoo ciyaarta inteeda badanna maamulaysay.Chelsea iyo Sevilla oo ku wada jira Group E ayna ku weheliyaan labada kooxood ee Rennes iyo Krasnodar ayaa…

Manchester United Oo Garaacday PSG Oo Garoonkeeda Joogta,

Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes ayaa Manchester United ka caawiyey inay guul 2-1 ah kala soo laabato Paris Saint-Germain oo ay ugu tagtay magaalada Paris.Manchester United ayaa la hormartay gool rikoodhe ahaa oo uu u dhaliyey Bruno Fernandes, waxaase PSG ay barbarro ku heshay madax uu iska dhaliyey Anthony Martial oo rikoodhaha kooxdiisana keenay.Ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayay Manchester United u dabbaal-degtay goolka guusha oo uu u dhaliyey Marcus Rashford oo ciyaarta oo dhan khatar ku ahaa PSG, waxaanu goolkiisu ahaa…

Barcelona Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartey Ferencvaros, SHAN

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul ku bilaabatay xili ciyaareedka cusub ee tartanka Champions League, waxaanay garoonka Camp Nou ku garaacday naadiga yar ee Ferencvaros oo ay qaybtii horeba ka xoogsatay guusha ciyaarta.Barcelona oo ceeb kaga baxday tartankan xili ciyaareedkii hore ayaa uu tababare Ronald Koeman ku sameeyey isbeddel weyn oo dhinaca safka hore, waxaana goolka koowaad oo ahaa rikoodhe lagu galay Lionel Messi gool ugu sarrifay laacibkooda reer Argentina.Gool labaad ayay Barcelona heshay dhamaadka qaybta…

Liverpool Oo Ku Dhawaaqday 25ka Xiddig Ee Premier League U

Virgil van Dijk ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Liveprool ee 25ka ah ee u ciyaari doona tartanka Premier League xili ciyaareedkan, kaddib markii uu dhaawac culus kasoo gaadhay kulankii Merseyside derby ee Sabtidii. Van Dijk ayaa taako xun kala kulmay goolhayaha Everton ee Jordan Pickford waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa inta ka hadhay xili ciyaareedkan, sida uu caddaynayo liiskan uu Jurgen Klopp u gudbiyey Premier League. Thiago Alcantara oo isagana dhaawac aan cuslayn uu kasoo gaadhay ciyaartii Everton ayaa…