Tobankii Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa Xulka Qaranka England Oo

Halyeygii Manchester United ee Sir Bobby Charlton ayaa loo magacaabay xiddigii ugu wanaagsanaa ee soo maray taariikhda xulka qaranka England, kaas oo sannadihii uu ciyaaraha ku jiray guulo ku hoggaamiyey waddankiisa.82 jirkan ayaa waqtigiisii waxa uu ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, waxaana uu ku suntan yahay taariikhda waddankiisa oo uu baal-dahab ah kaga jiro, waxaana qiimayn la sameeyey uu kaalinta koowaad ka galay toban ciyaartoy oo lagu tilmaamay kuwa ugu fiicnaa Ingiriiska.Charlton waxa waqtigii uu ciyaaraha ku…

Bayern Munich Oo Dalbatay Laf-dhabarta Real Madrid Ee Fede

Bayern Munich oo ku guuleysatay tartanka Champions League, August 28, dhexdana kusii jiidhay Barcelona iyo Olympique Lyonnais ka hor intii aanay finalka isku haleelin PSG oo ay iyagana kaga guuleysteen, ayaa waxay intii uu furnaa suuqa iibka ciyaartoydu ay dalab ka gudbisay laacibka laf-dhabarta u ah Real Madrid ee Fede Valverde oo uu tababare Flick u calmaday inuu qayb ka noqdo dibu-dhiska kooxdiisa iyo inuu sii wadi karo guulaha uu sannadkan gaadhay.Munich oo ogeyn go’aanka xiddigeedii khadka dhexe ee Thiago Alcantara oo…

Waa Kuwan Ciyaaryahanadda Da’yarta Ah Ee Sannadkan 2020 Uu

Sannadka 2020 waxa uu ahaa mid adag oo ciyaaraha soo maray, waxaana saamayn weyn ku yeedhay dunida xanuunka Korona Fayraska oo dhaqaalaha hoos u dhigay.Kubadda cagta ayuu si weyn u saameeyey xanuunkaasi, waxaana albaabada loo laabay guud ahaan ciyaaraha muddo afar bilood ku dhow, iyadoo markii la ogolaaday in ciyaaruhu dib u bilaabmaanna la mamnuucay taageereyaasha oo aan illaa hadda kusoo noqonin horyaallada waaweyn.Arrimahani waxay saamayn ku yeesheen suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii tegay oo sidii laga filayay ka…

Luis Suarez Oo Shaaciyey Waxa Uu Samayn Doono Haddii Uu Gool

Weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa sheegay inuu tilmaan bixin doono haddii uu gool ka dhaliyo Barcelona marka ay iska hor yimaaddaan kooxdiisa hore iyo Atletico Madrid.Laacibkan ayaa sii wada weerarka uu ku hayo maamulka sare ee Barcelona oo si aanu la dhacsanayn uga soo caydhiyey naadiga iyagoo burburiyey heshiiskiisa, waxaana loosoo dhex maray tababare Ronald Koeman oo u sheegay in aanu qorshihiisa ku jirin oo ay ciyaar la’aani ku dhacayso haddii uu sii joogo, waxaanay taasi keentay inuu Atletico Madrid ugu…

Manchester City Oo Loo Sheegay Tababare Uga Wanaagsan Pep

Manchester City ayaa lagula taliyey inay haddaba sii calaamadsadaan tababaraha ay ku beddelayaan Pep Guardiola marka uu heshiisku ka dhamaado ee uu iskaga tago.City ayaa qaab aan fiicnayn ku bilaabatay xili ciyaareedkan, waxaana iskugu xigay guul-darro xanuun badan oo kasoo gaadhay Leicester City oo shan gool ka dhalisay iyo barbarro xigay oo Leeds United ay wada galeen, iyadoo kooxda horyaalka ku cusub ay u qalmaysay inay guuleysato marka loo eego fursadihii ay heleen.Darren Bent ayaa Manchester City u sheegay inay si…

Marcus Rashford Iyo Aubameyang Oo Runta Ka Sheegay

Weeraryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino ayaa qaab ciyaareed liita muujiyey kulankii Aston Villa ay sida xun ugu burburisay kooxdiisa ee ay 7-2 ku garaacday, waxaana uu luminayay kubbado meelo xaasaasi ah maraya oo uu baasas aan fiicnayn iyo laag aan waqtigiisa joogin uu samaynayay, laakiin kalidii kuma ahayn ee kooxda oo dhan ayaa sidaa iskaga burbursanayd.Arrinta walaaca ku haysa Liverpool ayaa waxay tahay in Roberto Firmino aan bandhiggisii fiicnaa laga arag siddeed ama sagaalkii bilood ee uug dambeeyey oo uu ka…

Real Madrid Oo Jawaab Cad Ka Bixisay Hadalkii Kasoo Yeedhay

Real Madrid ayaa si cad ugu jawaabtay xiddiga reer France ee Paul Pogba oo sheegay inuu ku riyoonayo inuu ka ciyaaro Santiago Bernabeu, xilli heshiiskiisa Manchester United uu sii dhamaanayo oo sannadkii ugu dambeeyey socdo.Pogba oo xili ciyaareedkii hore inta ugu badan u jiifay dhaawacyo ayaa waxa uu dib ugu soo noqday safka kooxdiisa bilowga xili ciyaareedkan oo uu si wanaagsan ula haysto, laakiin waxa uu bambo ku dhex tuuray naadigiisa xilli ay ka walaacsan yihiin waqtigiisa dhamaadka ku dhow, waxaanu u sheegay in…

Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Soo Doortay 30kii Ciyaartoy Ee

Laacibkii hore ee xulka qaranka Brazil iyo kooxda Lyon ee Juninho Pernambucano ayaa dhinac iskaga leexiyey ciyaaryahannadii ku haystay laagga xorta ah, waxaana booskiisa u go’aamiyey jamaahiirta kubadda cagta oo u doortay xiddigii ugu fiicnaa toogashada goolka ee kubbadaha xorta ah.45 jirkan reer Brazil ayaa layaab ku ahaa laagga xorta ah oo uu ka dhalin jiray masaafo fog iyo mid dhow intaba, waxaana uu kooxdiisii Lyon guulaha ugu badan kusoo siiyey kubbadihii gantaalka ahee uu shabaqa ku hubsan jiray iyadoo ciyaartoyda…

“Cristiano Ronaldo Waxay Isku Mid Yihiin Diego Maradona,

Cristiano Ronaldo waxa uu gaadhsiisan yahay heerkii ciyaareed ee halyeygii reer Argentina ee Diego Mardona, sida uu rumaysan yahay Mircea Lucescu oo ah tababaraha kooxda reer Ukraine ee Dynamo Kiev.Mircea Lucescu oo warbaahinta la hadlay waxa kale oo uu sheegay in tababaraha Juventus ee Andrea Pirlo uu noqon doono tababare wanaagsan oo guulo u gaadha si la mid ah Pep Guardiola iyo Zinedine Zidane.Dynamo Kiev oo tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ay isku group yihiin Juventus iyo Barcelona oo ay ku wada jiraan…

Fadlan Deg-deg Noo Dhaaf!! Halyey Arsenal Ah Oo Ka Dalbaday

Halyeygii Arsenal ee Martin Keown ayaa u sheegay Mestu Ozil inuu si deg-deg ah uga baxo qolka lebbiska kooxda uu iskaga tago, kaddib markii laacibkan laga reebay ciyaartoyda kooxda uga qayb-geli doonta tartanka Europa League.Martin Keown oo difaaca uga ciyaari jiray Arsenal, waxa uu rumaysan yahay in Mikel Arteta aanu la dhacsanayn Ozil, sababtoo ah, qiimayntiisa ayaa ka hoosaysa midda ciyaartoyda da’yarta ah garoonka kusoo bandhigaan.Ozil oo laga reebay liiska 25ka ciyaartoy ee Mikel Arteta uu u gudbiyey UEFA ee ka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More