Ciidamo la wareegay buundo muhiim ah iyo xiisad culus oo ka …

Beledweyne (Axadle) – Ciidamo ka amar qaato Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan Abuukar Maadey ayaa shalay xirtay buundada Liiq Liiqato oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Magaalada Beledweyne. Sababta ay ciidamadaan ula wareegeyn Buundada Liiq Liiqato ayaa lagu sheegay inay ka dhalatay khilaafka u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo…

Biixi oo farriin xasaasi ah u gudbiyey wakiilada beesha caal…

Hargeysa (Axadle) – Madaxweynaha Gobaladda Waqooyi, Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda midowga reer Yurub iyo dalka UK oo Gobaladda Waqooyi u yimid indho-indhaynta doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay. Muuse Biixi ayaa ugu horeyntii xubnaha wafdiga uga mahad-naqay imaanshiyahooda Gobaladda Waqooyi iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo…

Wareysi: Wasiirka arrimaha dibadda DF oo xog cusub ka bixiye…

Muqdisho (Axadle) – Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa warbaahinta dowladda siiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya, kaas oo uu uga hadlay dhinacyada doorashooyinka, arrimaha gobolka, khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo arrimo kale. Doorashooyinka: Ugu horeyn wasiirka oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in waxii dhacay oo dhan hadda la iska cafiyey, isla markaana la gaaray heshiis la isku haleyn karo,…

Axmed Madoobe oo R/W Rooble u gudbiyey xubnaha

Kismaayo (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta waxa uu u soo gudbiyay xubaha maamulka Jubaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka. Axmed Madoobe ayaa wareegtada uu ku magacaabay 12-qof oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbalanad, kuwaas oo uu sheegay inuu magacaabistooda u cuskaday la tashiyo uu sameeyey iyo fulinta heshiiskii 17-kii…

DEG DEG: Rooble oo xilal cusub magacaabay, kuwa kalena ka qa…

Muqdisho (Axadle) – Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa agaasimayaal loogu magacaabay Wasaaradaha Gaanshaandhigga iyo Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya. Rooble ayaa agaasimaha guud ee Wasaaradda gaashandhigga Xukuumada Soomaaliya u magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, waxaana xilkaas laga qaaday Maxamuud Axmed Cali Fanax oo si ku meel gaar ah u hayey kadib markii wasiirka…

Rooble oo magacaabay xilal cusub, kuwa kalena ka qaaday – Ca…

Muqdisho (Axadle) – Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa agaasimayaal loogu magacaabay Wasaaradaha Gaanshaandhigga iyo Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya. Rooble ayaa agaasimaha guud ee Wasaaradda gaashandhigga Xukuumada Soomaaliya u magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, waxaana xilkaas laga qaaday Maxamuud Axmed Cali Fanax oo si ku meel gaar ah u hayey kadib markii wasiirka…

DF oo shaacisay liiska magacyada xubnaha cabashada laga keen…

Muqdisho (Axadle) – Guddiga uu Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u saaray xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha ay cabashada ka muujiyeen Midowga Musharaxiinta. Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay inay soo gaartay magacyada illaa 67 xubnood oo uu…

Sawirro: Deni oo maanta isu-diiwaan geliyay doorasho qof iyo…

Garoowe (Axadle) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka iska diiwaan-geliyay xaafadda Kaambo ee degmada Qardho, si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota ee maamulkaas. Deni oo hore u ballan-qaaday hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee doorashada qof iyo cod ayaa maanta qeyb ka noqday dadka is diiwan-geliyey si ay uga qeyb qaatan doorashada…

Wararkii ugu dambeeyay ee tirinta codadka doorashada Somalil…

Hargeysa (Axadle) – Doorashada goleyaasha wakiiladda iyo deegaanka ee Somaliland ayaa shalay si habsami leh usoo gaba-gabowday, waxaana xalay fiidkii hore bilaabatay tirinta codadka oo ilaa hadda socota, sida ay ogaatay Axadle. Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee goboladda qaar, waxayna si hordhac ah u shaacin doonaan natiijada doorashada oo si weyn loo wada…

Daawo: Gabar lagu la’aa Muqdisho oo meydkeeda laga dhex hela…

Muqdisho (Axadle) – Gabar yar oo muddo laba maalin ah la raadinayey ayaa ugu dambeyntii Maanta meydkeeda laga helay digsi weyn oo yaalla qol kamid ah gurigii ay ku nooleyd oo ku yaalla degmada Dharkeynley ee Caasimadda Muqdisho, gaar ahaan waaxda Kaawo Godey. Gabadha meydkeeda la helay oo labadii maalmood ee ugu dambeysay nolol iyo geeri laga baafinayey baraha Bulshada ayaa waxaa lagu magacaabaa Nafisa Cumar Cabdullaahi, waxaana meydkeeda laga…