Xog: Maxaa dhex-maray odayaasha beesha Sacad iyo Al-Shabaab …

Wasil (Axadle) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka deegaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin degaanka Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarka uu ku billowday gaari laga soo…

Xog: Wasiiro iyo xildhibaano ka baxay xafladdii 26-ka June k…

Muqdisho (Axadle) – Xog ay heshay Axadle ayaa sheegeysa in Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay habeen hore ka baxeen hoolka lagu qabanayay manaasabaddii loogu dabaal dagayay 26-ka June. Xafladda oo lagu qabtay hool yar oo ku dhex yaalla xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegay in dhammaan dadka ka qeyb-galaya oo ay ku jiraan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda kalaba loo diiday in ay Mobeelladooda la galaan. Xogta aan…

DF oo war kasoo saartay weerarkii Wisil, iyo wararkii ugu da…

Muqdisho (Axadle) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarkii ay dagaalamayaasha Al-Shabaab saakay ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ay Al-Shabaab ku dileen weerarkaas oo ahaa mid culus. Ugu yaraan 30-qof oo shacab iyo askar isugu jira ayey Al-Shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Wasil oo dhaca koonfurta gobolka Mudug, halka dhankooda Al-Shabaab…

Qatar oo QM kahor sharaxday qorshaheeda Soomaaliya – Caasima…

Doha (Axadle) – Dowladda Qatar ayaa Golaha Ammaanka ee QM ka hor sharaxday qorshaheeda ku aadan caawimaadda Soomaaliya, ayada mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay in loo wajaho qaab dhammaystiran oo looga hortagayo xagjirnimada rabshadaha wata ee ka jirta Soomaaliya. Go’aankaan ayey Dowladda Qatar ku sheegtay bayaanka uu Wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Qatar Sheikha Alya Ahmed bin Saif Al Thani u gudbiyay Qaramada Midoobay. Ambassador…

Xog: Sababta rasmiga ah ee uu Guudlaawe u qaadacay shirka ka…

Muqdisho (Axadle) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa sababta uu Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe u qaadacay ka qeyb-galka shirka ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada uga furmaya Caasimadda Muqdisho ee ku saabsan arrimaha doorashada. Qoraal saaka kasoo baxay HirShabelle ayaa lagu yiri “Dowladda HirShabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka golaha wadatashiga qaran ee dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka…

Xafsa Maxamed Luqmaan oo shaacisay sidii ay saaxiibteed Xafs…

Nairobi (Axadle) – Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato Soomaali ah oo 23 jir ah, oo la la’aa muddo shan maalmood ayaa shaaca ka qaaday in Gabar ay saaxiibo ahaayeen ay ka dambeysay afduubkii loo geystay. Wareysi gaar ah oo ay Xafsa Luqmaan siisay Wargeyska The Standard ee dalka Kenya ayey ku sheegtay in haweeneydii saaka lagu qabtay xaafadda Kinangop ee lagu magacaabo Xafsa Cabdi iyo ninka lala qabtay ay ahaayeen maskadii ka dambeysay…

Daawo: Gobaladda Waqooyi oo hanjabaad culus u dirtay laba ka mid xu…

Hargeysa (Axadle) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Gobaladda Waqooyi, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa luuqad adag kula hadlay dowladda federaalka, gaar ahaan Ra’iisal wasaaraha ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed iyo Wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Beyle. Wasiir Koore ayaa waxa uu ku eedeyay Mahdi Guuleed iyo Beyle inay ka dambeeyan abaabul ka dhan ah Gobaladda Waqooyi oo laga bilaabay…

30 maalin kadib maxaa ka hirgalay heshiiskii 27-ka May ee do…

Muqdisho (Axadle) – Waxaa 30 cisho ka tagtay 60-kii cisho ee heshiiskii May 27, 2021 ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kaas oo dhigaya in 60 cisho lagu dhameystiro doorashada Soomaaliya. In kasta oo bil tagtay hadana weli ma jirto wax laga qabtay hannaanka doorashada, iyada oo lagu wado in Muqdisho lagu qabto mar kale shir ay yeelanayaan ra’isul wasaaraha iyo madaxda…

Puntland oo fulisay mid ka mid ah yoolasheeda sifeynta

Gaalkacyo (Axadle) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ka hadlay toogasho ay Puntland saaka ku fulisay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay horey u xukuntay maxkamadda ciidamada maamulkaasi. Guddoomiyaha ayaa marka hore soo dhoweeyey toogashadan oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo, laguna fuliyey illaa 18 xubnood oo ahaa shabakad isku xiran oo Shabaab ah, laguna eedeeyey inay dad badan ku dileen gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. “Waxaan hada ku fulinay Xukunkii…

Galmudug oo war kasoo saartay dagaalkii Wisil

Dhuusamareeb (Axadle) – Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ee gobolka Mudug, Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud oo u warramay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal ku billowday qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay deegaanka Wisil, kadib weerar ay ku qaadeen Al-Shabaab. Mire ayaa sheegay in weerarka uu dhacay abaare 4:30, isla-markaana ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ay ka hortegeen dagaalkaasi. Taliye ku xigeenka Booliska gobolka Mudug oo hadalkiisa…