Doha (Axadle) – Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ahna ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar ayaa maalmahan booqasho ku jooga Caasimadda Sudan ee Khartoum, xili ay taagan tahay xiisad ka dhex aloosan Ethiopia iyo Sudan.
Al-Thani ayaa kulan la qaatay ra’iisal wasaaraha Sudan, Dr. Cabdalla Xamduuk, ayada oo qaabilaadaasi ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Golaha Wasiirada ee dalka Sudan.
Ra’iisal wasaaraha Sudan ayaa Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan…