Muqdisho (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka iskuulka sare ee Balcad, waxaana uu ahaa nooca meelaha fog-fog laga hago.
Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu dhacayey qaraxan uu iskuulka ka socday imtixaan ay galayeen ardayda fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, siday ay inoo…