Daawo: Xaguu marayaa dagaalka culus ee ka socda gobolka Shab…

Jowhar (Axadle) – Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed G/Sare Cali Xaashi Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalka u dhexeeya Militeriga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka socda deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka xoogga dalka ayaa haatan guluf dagaal oo xoog leh ka wada gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana ciidanka hor-kacaya Taliyaha guud ee Militeriga Soomaaliya Odawaa…

Rooble oo casuumad rasmi ah u diray madaxda dowlad goboleedy…

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa casuumad rasmi ah u diray madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si maalinta Sabtida ay iskugu imaadaan shir ka dhacaya Caasimadda Muqdisho. Qoraal kooban oo uu soo saaray xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in shirka Sabtida la iskaga wareysan doono howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dar-dar…

Lix wareegto oo uu Farmaajo saxiixay oo sharci-darro ah laga…

Muqdisho (Axadle) – Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga digay, sharci-darana uga dhigay lix wareegto oo uu saxiixay madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday, kuwaasi oo qaarkood wax ka bedel uu ku sameeyay. Waraaq kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha oo si gaar ah ugu socotay ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada, beesha caalamka, mucaaridka iyo bulshada rayidka, ayaa waxaa looga horyimid…

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay liis cusub oo ay so…

Muqdisho (Axadle) – Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin ay kusoo bandhigtay waddamada ugu halista badan oo ay carruurta ku noolaadaan, waxaana liiska kaalinta koowaad ka galay Soomaaliya, ayada oo ay kusoo xigaan Congo, Afgaanistaan iyo Suuriya. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay colaadaha ugu halista badan oo ay wajahaan carruurta 60% ay ka dhaceyn wadamada Soomaaliya, Congo, Afgaanistaan iyo Suuriya, waxaana wadamadaan lagu…

Heshiis shan qodob ah oo ay kala saxiixdeen maamullada Muqdi…

Ankara (Axadle) – Wafdi ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Faarax Cabdi Diini, oo uu qeyb ka yahay Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir oo maalmihii dambe safar shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa la kulmay ku-xigeenka duqa magaalada Konya. Mr. Ercan Uslu, oo ah ku-xigeenka duqa magaalada Konya, oo kamid tahay magaalooyinka ugu waaweyn dalka Turkiga, uguna…

Go’aan lagu gaaray wada-hadallo caawa dhex-maray Rooble iyo …

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho oo aan kulmin wixii ka dambeeyey markii uu dhacay heshiiskii doorashada ee la kala saxiixday 27-kii May ayaa caawa shir ku yeeshay qadka Zoom-ka. Shirkaas waxaa caawa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa qabsoomidda doorashooyinka dalka, iyadoo la iska xogwareystay waxyaabaha ka qabsoomay illaa hadda heshiiskii ay wada gaareen madaxdu. Sida ay…

Guddoomiyeyaal caawa lagu dilay Muqdisho iyo Beledweyne iyo …

Muqdisho (Axadle) –Kooxo hubeysan ayaa caawa siyaabo kala duwan magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne ugu dilay mas’uuliyiin ka kala tirsaneyd maamullada gobolka Hiiraan iyo kan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. Ugu horeyn koox ku hubeysan bistoolado oo tiradooda lagu sheegay seddax nin ayaa caawa fiidkii agagaarka Aargada degmada Deyniile ku toogatay Allaha u naxariistee Cabdi Cabdulle (Cabdi Juge) oo ahaa gudoomiyihii Waaxda Kurdamac ee…

DANAB oo Shabaab badan ku dishay weerar ka dhacay Sh/Dhexe -…

Jowhar (Axadle)-Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ay sacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo shaaciyey tirada dagaalamayaal ay ka dileen kooxda Al-Shabaab. Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan oo howlgalkaas hoggaaminayey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Al-Shabaab ay ku weerareen deegaanada kala ah Saabuun,…

Guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa oo soo saaray digniin la…

Muqdisho (Axadle) – Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku cadeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka. Guddiga ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inuu adkeyn doono kaalintiisa ku aadan xaqiijinta inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan. “inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed, lana…

Weerar lagu dilay dad horleh oo ka dhacay dalka Ethiopia – C…

Addis Ababa (Axadle) – Wararka ka imaanaya Axadle dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa sheegaya in weerar sababay dhimashada 9 qof uu ka dhacay degmada Metta Wolkitte oo 100-KM u jirta Axadle dalkaas. Weerarka oo ka dhacay dhismaha buundada degmada Metta Wolkitte ayaa imid kadib markii kooxda fulisay ay ku amreen shaqaalaha inay joojiyaan dhismaha buundada, taasi oo ay iska dhago tireen, sida ay sheegen qaar kamid ah ehelka dhibanayaasha…