Waayihii ciyaareed ee Mesut Ozil ee Arsenal ayaa gabagabo maraya. Xiddiga Jarmalka ayaa ku jira sannadkii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa, waxaana laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal u ciyaareysa tartamada Europa League iyo Premier League.Shalay, Arsenal waxay magacowday liiska 25ka xiddig ee Premier League u ciyaaraya, iyadoo xiddiga Jarmalka aan magaciisa lagu dhex arkin.Waxay taasi xaqiijisay in Ozil uusan mustaqbal ku laheyn Emirates Stadium.Maanta oo Arbaco ah Ozil, wuxuu soo saaray warbixin uu kaga hadlo xaaladiisa,…