Dagaalka Twitter Ee Barcelona & Juventus Oo Weli Socda &

Barcelona ayaa weli wada dagaalka baraha bulshada ee ay kula jirto Juventus inkastoo afar isbuuc kale ay inaga xigto in labada kooxood ay mar kale kulmaan.

War weyn ayay aheyd markii labada kooxood ee ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub ay isku group noqdeen Champions League, madaama kooxaha waa weyn inta badan la kala ilaaliyo wareega group-yada.

Dabcan waxaa kulankaan xiiso u sii yeelay suurtogalnimada ay isaga horimaan karaan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo laakiin weeraryaahnka Juventus ayaa seegay kulankii Turin ee labo isbuuc ka hor sababo la xiriira Korona Fayras.

Taasi kama aysan celinin Barcelona inay ku maadeysato kooxda ay xafiiltamayaan iyagoo Twitter ugu qoray inay wax fiican u tahay Juventus inay garoonkooda ku arkaan xiddigii abid ugu fiicnaa dunida.

Kooxda reer Catalan ayaa mar kale dib u bilowday weerarkeeda iyagoo adeegsanaya awooda Lionel Messi ee laadadka xorta ah iyagoo dhulka ku jiiday Juventus iyo Ronaldo mar kale.

Ratioed by Messi https://t.co/SOgKxKfhib

— FC Barcelona (@FCBarcelona) November 10, 2020

Waxay Twitter ku soo wadaageen xog ay soo bandhigtay ESPN oo muujineysa in Messi uu dhaliyay 33 laad xor ah 10kii sanno ee ugu danbeysay ee horyaalka, halka Ronaldo uu ka hooseeyo isagoo horyaalada ka dhaliyay 31 laad xor ah.

Ronaldo ayaase weli ka horeeya Messi marka la tiriyo laadadka xorta ah ee ay dhaliyeen waayahooda ciyaareed oo dhan iyadoo xiddiga reer Portugal uu dhaliyay 56 laad xor ah halka Messi uu dhaliyay 53.

Weeraryahankii hore ee Manchester United ayaa laadkii xorta ahaa ee ugu danbeeyay wuxuu ka dhaliyay Sweden tartanka UEFA Nations League ee bishii September.

Messi dhanka kale ma uusan dhalinin laad xor ah tan iyo guuldaradii Osasuna ka soo gaartay bishii July.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More