“FIFA Iyo UEFA Waxaan Agtooda Ka Nahay Boombalo” –
Toni Kroos ayaa ku caan ah inuusan la ganbanin aragtidiisa, wuxuuna si adag uga hadlaa fayow qabka ciyaartoyda iyo hab dhaqanka maamulada kubada cagta.
Xiddiga Jarmalka ayaa la weydiiyay afkaartiisa ku aadan tartanka cusub ee la hadal hayo ee European Premier League iyo tartanka qaramada ee UEFA Nations League.
Wuxuu carro ka muujiyay inaan marnaba ciyaartoyda lagala tashanin marka tartamadaan la sameynayo.
“Sida ka cad tartamadaan cusub ee la sameynayo, FIFA iyo UEFA agtooda waxaan ka nahay boombalo” ayuu yiri Toni Kroos.
“Tartamada cusub sida UEFA Nations League iyo tartanka la balaariyay ee Club World Cup waxaa loo sameeyay in faa’ido lacageed oo badan la helo iyadoo ciyaartoyda awoodooda jir ahaaneed xadka la dhaafinayo.”
Kroos ayaa sidoo kale ka hadlay tartanka cusub ee ay doonayaan inay sameystaan kooxaha waa weyn ee Yurub ee European Premier League, wuxuuna sheegay in tartanka cusub uu ka soo horjeedo isbiiritka ciyaarta, wuxuuna ka walwalsan yahay in kooxo kasta oo isku taga inay iyaguna tartan cusub sameysan doonaan.
“Mararka qaar waxaa fiican in loo dhaafo sida ay wax yihiin” ayuu yiri xiddiga Real Madrid.