“Zlatan Ibrahimovic Aabaheey Ayuu Ku Da’ Yahay Hadana
Kubadsameeyaha Real Madrid Brahim Diaz oo haatan amaah ku jooga AC Milan ayaa wareysi uu siiyay warbaahin Spain ka soo baxda ayaa kaga hadlay awooda ciyaareey ee Zlatan Ibrahimovic iyo inay Serie A isaga horimaanayaan Cristiano Ronaldo.
Brahim Diaz ayaa sheegay in Zlatan Ibrahimovic uu ku da’ yahay aabihiis balse uu weli yahay xiddig go’aansan kara natiijooyinka ciyaaraha.
“Zlatan waxay isku da’ yihiin aabaheey laakiin weli wuxuu go’aansadaa ciyaaraha. Kubada cagta da’da waxba a ahan isaga ayaana cadeyn u ah” ayuu yiri Zlatan Ibrahimovic.
“Si fiican ayaan isku fahamnaa, talooyin fiican ayuu i siiyaa, isfahamkeena waa mid sareeya. Waa guuleyste. Ma jecla kaliya inuu ciyaaro. Waa inaad mar walba si adag u shaqeysaa marka aad la ciyaareyso.
“Wuxuu mar walba ii sheegay: ‘weli tababarka ma aadan dhameynin, haatan waa inaad aniga ila sameyso jimicsigaan’. Wax badan ayuu ka dalbanayaa, mar walbana horumar ayaad sameyneysaa.”
Isagoo ka hadlayay iska horimaadka Cristiano Ronaldo iyo Zlatan, wuxuu yiri: “Waxay u baahnaan doonaa 50 kaamiro si ay u baahiyaan ciyaarta. Waa labo xiddig oo cajiib ah, laakiin waa inaan diirada saarno ciyaarta soo socota. Kulankaas wuu imaan doonaa.”