Koox Weyn Oo Shaacisay Inay U Dhaqaaqeyso Saxiixa Cristiano

Paris Saint-Germain ayaa albaabka u furtay inay u dhaqaaqeyso saxiixa xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo.

Laacibka Juventus ayaa lala xiriirinayaa inuu u wareegayo kooxda lacagta heysata ee ka dhisan horyaalka Faransiiska.

Agaasimaha isboortiga PSG Leonardo ayaa aaminsan in kooxdiisa ay ka mid ah kooxaha tirada yar ee awooda inay dhameystiraan saxiixa Ronaldo.

Wuxuu u sheegay PSGTV: “Maanta kubada cagta ma ogaan karno waxa dhici doono.

“Malaha berri Cristiano Ronaldo inuu berri hurdada ka tooso ayuu dhihi karaa waxaan doonayaa inaan meel kale ka ciyaaro.

“Yaa iibsan kara? kooxo tiro yar.

“PSG qeyb ayay ka tahay kooxahaas tirada yar. Caadiyan waa fursadaha iyo xaaladaha waxa aan eegno.

“Suuqa kala iibsiga waa inaan isku diyaarino, waana waxa aan sameyno had iyo jeer. Waa ay jiraan xiddigo diirada inoo saaran laakiin waxyaabo aan la saadaalin karin ayaa dhici kara.”

Ronaldo oo 35 sanno jir ah ayaa qiyaastii mushahar ahaan wuxuu Juventus uga qaataa 540 kun ginni isbuucii, isagoo horyaalka Serie A ku hogaamiyay labadii sannadood ee ugu danbeysay.

Madaama uu dunida saameeyay cudurka Korona Fayras, xitaa kooxaha ugu qanisan dunida ayaa dhaqaale ahaan dhibtoonaya, PSG iyaduna kama duwana.

Sidaasi oo ay tahay Leonardo ayaa sheegay in kooxdiisa ay leedahay hamiga iyo awooda ay ku dhameystiri karto heshiiskaas.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Sannadkii la soo dhaafay waxaan qasaarnay boqolkiiba 15 ilaa 20, sannadkaan intaas waa ay ka badnaan doontaa.

“Laakiin daacad ahaan, PSG waxay leeyahay awooda ay uga soo kabsato mashaqadaan.

“Kooxaha kale waa ay ku dhibtoon doonaan inay ka soo kabsadaan mashaqadaan. Laakiin hamigeena waa mid weyn”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More