Kumaan Ahay? Waxaan Ku Dhashay Italy, Waxaan U Dhashay

Wuxuu ku dhashay dalka Talyaaniga, wuxuu u dhashay dalka Brazil oo u aabihiis Koobka Adduunka la qaaday sannadkii 1994, wuxuu haatan u dheelaa xulka Spain, aabihiis, hooyadiis iyo walaalkiis intuba waa ciyaartooy.

Haddii aad garatay ciyaaryahanka waa xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Thiago Alcantra.

Madaama aabihiis uu ciyaartoy ahaa islamarkaana uu wadamo badan ka soo ciyaaray, Thiago wuxuu ku dhashay magaalada San Peitro Vernotico ee dalka Talyaaniga. Laakiin wuxuu waayihiisa ciyaareed ka bilaabay magaalada Rio ee dalka Brazil isagoo ku jiray akadeemiga kooxda Flamengo. Ka dib wuxuu u wareegay Spain isagoo ku soo laabtay Rio ka hor inta uusan u saxiixin Barcelona sannadkii 2005 isagoo 14 sanno jir ah.

Wuxuu awood u laaha inuu doorto inuu u ciyaaro xulalka Brazil ama Talyaaniga laakiin wuxuu doortay inuu u dheelo Spain inkastoo aabihiis uu ka soo horjeeday. Thiago ayaa bilaabay inuu Spain u ciyaaro markii uu ka mid noqday xulka da’dooda ay ka hooseyso 16 jirada, wixii markaas ka danbeeyayna hore ayuu u sii socday.

“Waxaan ku noolaa oo aan ku soo koray Spain” ayuu sharaxaad ku bixiyay xiddiga tayada badan ee khadka dhexe.

Qoyskiisa waa qoys isboorti, aabihiis oo lagu magacaabo Iomar do Nascimento oo loo yaqaano Mazinho wuxuu ka mid ahaa xulkii Brazil ee ku guuleystay Koobka Adduunka sannadkii 1994. Inkastoo uu ciyaaray kulan walba oo koobkaas ka mid ah hadana waxaa lagu xusuustaa dabaaldegii uu la sameeyay Babeto iyo Romario iyagoo u dabaaldegayay dhalashada canuga Babeto oo isna ciyaartoy noqday.

Walaalkiis ka yar waa Rafinha Alcantra oo u ciyaara haatan kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka Brazil. Halka hooyadiis Valéria Alcântara ay aheyd ciyaaryahanad dheesha kubada Volleyball.

Waxyaabaha aan si weyn loo wada garaneynin ee Thiago Alcantara waxaa ka mid ah inay saaxiibo dhow yihiin Mario Balotelli oo ay isku barteen akadeemiga Barcelona markii xiddiga Talyaaniga uu tijaabo u marayay kooxda reer Spain inkastoo uusan tijaabada ku guuleysanin.

Alcantara wuxuu leeyahay hay’ad tabarucaad oo lagu magacaabo Alcantara Family Foundation oo ay kula jiraan walaalkiis, hooyadiis, aabihiis iyo xaaskiisa Julia oo uu guursaday sannadkii 2015, waxayna wax u qabteen caruurta da’ yarta ee Brazil, Germany iyo Spain.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More