Waa Kuma 17 Sanno Jirka Markii Ugu Horeysay Looga Yeeray

Jude Bellingham ayaa looga yeeray xulka waa weyn ee England markii ugu horeysay isagoo 17 sanno jir ah ka dib dhaawacyo soo gaaray Trent Alexander-Arnold iyo James Ward-Prowse.

Da’ yarka kooxda Borussia Dortmund ayaa markii hore lagu soo daray xulka England ay da’dooda ka yar tahay 21 sanno jirada laakiin waxaa u soo yeertay tababare Gareth Southgate ka dib markii xiddiga Liverpool Alexender-Arnold iyo kabtanka Southampyon Ward-Prowse ay xulka ka baxeen.

Daafaca midig Alexander-Arnold ayaa garoomada ka maqnaanaya muddo afar isbuuc ah ka dib dhaawac soo gaaray kulankii ay Reds barbaraha 1-1 la gashay Manchester City Axadii.

Halka xiddiga Southampton Ward-Prowse xulka England looga saaray feejignaan darteed madaama uu ka sheegtay inuu booday muruqa bowdada.

Marcus Rashford kuma biiri doono xulka England ilaa iyo Khamiista iyadoo Manchester United la siiyay waqti dheeri ah oo ay ku qiimeeyaan dhaawaciisa garabka ee soo gaaray kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Everton Sabtidii.

Waxaa sidoo kale baaritaan ku sameyn doona dhakhaatiirta xulka England si loo ogaado inta uu la egyahay dhaawaciisa/

Inta badan ciyaartoyda xulka ayaa Isniintii tagay xaruntooda tababare ee St George Park ka hor kulanka saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan Ireland iyo kulamada Nations League ee ay la dheelayaan Belgium iyo Iceland.

Laakiin kulanka ay la ciyaarayaan Icleland ayaa laga yaabaa in lagu ciyaaro dalka Albania iyadoo lagu qasbayo xiddigaha England inay safar labo kun mayl ah galaan taasoo ka careysiin doonta kooxahooda

Xulka Iceland ayaan ku dheeli karin Wembley madaama ay dowlada Ingariiska soo rogtay xayiraad la saarayo dadka aan u dhalinin UK ee ka imaanaya Denmark.

Iceland ayaa Denmark kula ciyaareysa magaalada Copenhagen maalinta Axada isla maalinta ay England u safrayaan Belgium.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More