By Yusuf Said HersiSaturday August 1, 2026
Amniga iyo ciribtirka argagixisadu waxay ka mid yihiin imtixaannada ugu culus ee dowlad kasta kala kulanto koox hubeysan. Taariikhda dhow iyo tan fogba waxay caddeyneysaa in guusha laga gaaro kooxahaas ay inta badan ku timaaddo marka dagaalka loo aqoonsado arrin qaran oo mideysa hay’adaha dowladda, bulshada iyo hoggaanka siyaasadda.
Dalal dhowr ah ayaa tusaale loogu soo qaataa sida kooxo hubeysan looga adkaan karo marka la helo dadaal mideysan. Dowladda Sri Lanka waxay dagaal daba dheeraaday kadib soo afjartay kacdoonkii Tamiil Tigers (LTTE), halka Ciraaq ay guulo ka gaartay dagaalkii Daacish iyadoo kaashanaysa iskaashi gudaha iyo dibadda ah. Soomaaliya gudaheeda, howlgalka Puntland State ee ka dhanka ahaa Daacish ayaa isna muujiyay sida isku-duubni iyo dadaal wadajir ahi u dhalin karaan natiijooyin muuqda. Aragtidan, guulahaas waxaa saldhig u ahaa in amniga laga hormariyo khilaafaadka siyaasadeed, loona arko mas’uuliyad qaran.
Dagaalka Al-Shabaab marka la joogo, dood siyaasadeed oo xooggan ayaa ka taagan sababta aan weli loo xaqiijin guul waarta. Dadka qaba aragtidan waxay ku doodayaan in Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Xasan Sheikh Maxamuud uusan ku guuleysan dhismaha is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran, kaas oo dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka ku mideeya hal jiho oo dagaalka loo maro.
Sida dooddan lagu sheegay, khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda federaalka kala dhexeeya qaar ka midah dowlad-goboleedyada ayaa wiiqay dadaalladii lagu mideyn lahaa awoodda qaranka. Halkii ay taasi dhici lahayd, waxaa la rumeysan yahay in loo baahnaa wadatashi dhab ah iyo heshiis siyaasadeed oo dagaalka Al-Shabaab ka dhigaya mas’uuliyad qaran oo ay si wadajir ah u leeyihiin dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sidoo kale ka digaya in Al-Shabaab ay sii ballaarin karto saameynteeda haddii aan la helin hoggaan mideysan iyo istraatiijiyad qaran oo loo dhan yahay. Qaar waxay xaaladda Soomaaliya barbar dhigaan dhacdooyinkii Afghanistan, inkastoo ay labada xaaladood si weyn ugu kala duwan yihiin duruufaha siyaasadeed, juqraafiyeed iyo amni.
Marka la eego xiriirka caalamiga ah, aragtidan waxay tilmaamaysaa in deeq-bixiyeyaasha caalamku walaac ka muujiyeen khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya. Waxay sidoo kale aaminsan yihiin in wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay lama huraan u tahay sii socoshada taageerada amniga iyo dib-u-dhiska dalka.
Shirka Kampala ayaa la filayaa inuu xoogga saaro xaaladda amniga Soomaaliya iyo doorka ay ciidamada shisheeye ka qaadan karaan xasilinta dalka. Dadka qaba aragtidan waxay dhaliilayaan ka qeybgalka Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheikh, iyagoo sheegaya in aan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo gudaha ah oo mideeya dowladda iyo mucaaradka.
Ugu dambeyn, dagaalka Al-Shabaab laguma gaari karo guul waarta haddii uu ku koobnaado dowladda dhexe oo keliya. Natiijo lagu kalsoonaan karo waxay u baahan tahay midnimo qaran, wadatashi siyaasadeed, kalsooni dhex marta hay’adaha dowladda iyo dowlad-goboleedyada, iyo in shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay dareemaan in dagaalku yahay mid lagu difaacayo qaranka, halkii uu ka noqon lahaa qayb ka mid ah muranka siyaasadeed.
________________
Yusuf Said Hersi[email protected]







