Skip to content
Wednesday, September 23, 2026 10 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:50
Muqdisho 27°C
Breaking: Deal Permits US ‘Golden Dome’ Defense System in Greenland
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

DFS oo sheegtay in ay dishay sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

DFS ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka ee DANAB lagu dilay sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan qaybta Jabhadaha iyo lex kale oo la socotay.

Si gaar ah howlgalkaan waxa uu uga dhacay Gobolka Jubada Dhexe gaar ahaan Deegaanka Carabow oo qiyaastii 50-KM u jira Degmada Bu’aale, waxaana inta badan Gobolkaan gacanta ku heysa Al-Shabaab.

- Advertisement -

Xasan Sufyaan Qoorey waa magaca sarkaalka DFS ay sheegtay in ay ku dishay howlgalka ka dhacay Gobolka Jubada Dhexe, mana shaacin waxyeelo gaartay dadka rayidka ah ee ka dhawaa halka howlgalka uu ka dhacay.

Ciidamada DFS & kuwa Mareykanka ayaa deegaannada ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab ka fuliya weeraro u badan duqeyn diyaaradeed, halka mararka qaar ciidamada ay ka daataan diyaaradaha militariga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo badi ka socda Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle, Galmudug & Jubbaland, inkasta oo aan jirin war kasoo Al-Shabaab oo ay uga hadleen sheegashada DFS.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes