Skip to content
Sunday, September 20, 2026 7 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:39
Muqdisho 25°C
Breaking: Ted Cruz meets North Western State of Somalia president, renews call for U.S. recognition
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Amniga & Doorashooyinka Billowga xasilooni la’aanta Gobalka

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Amniga & Doorashooyinka Billowga xasilooni la'aanta Gobalka
Madasha xisbiyada Qaran, Xisbiga Wadajir iyo hoggaamiyeyaal kale oo katirsan mucaaradka ayaa kahor yimid hannaanka loo maray dhismaha guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed,

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay si cad oo qoraal ah ugu muujiyeen Walaaca ay ka qabaan xubno katirsan hay’adda Nabad-sugidda Qaranka,

- Advertisement -

Shaqaalaha madaxtooyada iyo kan rayidka oo ay  xisbiyada mucaaradku ku xuseen Warsaxaafadeedkooda in ay kamid yihiin saraakiin katirsan Nabad-sugidda Soomaaliya- (NISA)

“…Waxaan si xoogan u Diidanahay Dhismaha Guddiyada Doorashooyinka kadib markaan Xaqiiqsannay in Xafiisyada Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay xubnaha guddiyada doorashooyinka u soo xuleen Shaqsiyaad ka tirsan NISA, Madaxtooyada iyo Shaqsiyaad kale oo aad loogu yaqaan taageerada Madaxweynaha iyo kooxdiisa, arrintaas oo si cad uga hor imaaneysa Madaxba-naanida hannaanka doorashada iyo in Doorasho hufan ay dalka ka qabsoonto 2020/21…”

Bayaanka Murashaxiinta

Xisbiga Wadajir ayaa War-saxaafadeedkiisa ku sheegay in inta badan xubnaha guddiga doorashooyinka ee labada heer ee dowladdu ay yihiin ama ay ka tirsna yihiin hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, tiro kale oo kamid ah xubnaha guddigana waxa uu ku sheegay in ay yihiin taageerayaasha madaxweynaha.

 

Wadajira ayaa sidaas oo kale waxa uu xusay in magacaabista xubnaha guddiga doorashada gobolada Waqooyi (Somaliland) ay baal marsan tahay sidii lagu heshiiyey oo ahayd in guddoomiyaha aqalka sare loo daayo magacaabista xubnahaas

Madasha xisbiyada Qaran waxa ay Warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in Ra’isalwasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya ay qaadi doonaan mas’uuliyadda sida ay sheegeen wax walba oo keeni kara muran iyo wax shaki gelaya madaxbannaanida guddiga iyo Natiijada Doorashooyinka Baarlamaanka.

Haddaba eedda faragelinta hay’adda Nabad-sugidda & Sirdoonka qaranka ee Doorashooyinku halis intee la eg ayay u geysan kartaa dowladnimada jilcan ee Soomaaliya?

How do you rate this story?

0 votes