Tababaraha Waalan Ee Inter Milan Ee Maamula Cuntada

Antonio Conte ayaa garoonka Estadio Alfredo Di Stefano imaanaya caawa iyadoo Inter Milan ay wajaheyso Real Madrid tartanka Champions League. Tababaraha Talyaaniga ayaa ah shaqsi caan ka ah Yurub oo lagu yaqaano dabeecadiisa waalida ah iyo dishibiliinka adag ee uu ku soo rogo ciyaartoydiisa.

Wuxuu ku dhashay magaalada Lecce sannadkii 1969kii, Conte ayaa ka soo gudbay waqtiyo adag isagoo noqday shaqsi ku dhegan dhaqankiisa, wuxuuna taasi u soo gudbiyay qaabkiisa tababarenimo.

Koox walba oo tababare ka dhigaya Conte waa qasab inay ka warqabto inay jiri doonaan cabasho ka timaada sida uu tababarkiisa u adag yahay.

Arezzo, Bari, Atalanta, Siena, Juventus, Italy, Chelsea iyo haatan Inter Milan waxay dhamaantood khibrad u soo yeesheen sharciyadiisa ad-adag. Kooxdii ugu darneyd ee si xun ay u saameysay ad-adeegiisa waa kooxda Blues ee dalka Ingariiska.

Conte ayaa jecel inuu gabi ahaanba koontaroolo nolosha ciyaartoydiisa haddii ay ahaan laheyd shaqada ay tababarka ku sameynayaan ama marka ay ku nasanayaan guryahooda.

“Ciyaartooydeyda waa qasab inay bartaan sida ay mas’uul uga noqon lahaayeen noloshooda, haddii ay ahaan laheyd cuntadooda, nasashadooda iyo galmada ay la sameynayaan xaasaskooda.” ayuu Conte hore u yiri.

“Kaliya ma ahan inaan ku maamulayo garoonka. Laakiin waa inay sidoo kale sharciyada raacaan marka ay guryahooda joogaan, inkastoo ay u muuqato inaan u la dhaqmayo sida caruur oo kale.

Cuntada ciyaartoyda ayuu si weyn ugu waalan yahay Conte: “Ka hor inta uusan bilaabanin xilli ciyaareedka, waa dejino isku dheelitirka cuntada, karbohaydraytyada, barotiinada iyo dufanta, iyadoo aan waxba la mamnuuceynin. Il gaar ah ayaan ku eegaa cuntada si aan caafimaadkeyga u ilaaliyo.”

Zinedine Zidane ayaa ka horimaanaya kabtankiisii hore ee Juventus marka ay caawa isku arkayaan garoonka Di Stefano. Tababaraha Real Madrid ayaa shan sannadood waxaa hogaamiye ugu ahaa Turin Antonio Conte laakiin waligood iskama aysan horimaanin iyagoo tababare ah.

Conte ayaa jecel inuu muuqaalkiisa xagaajiyo isagoo timo hore u soo taalashay. “Muuqaalka waa wax muhiim u ah ciyaaryahanka. Waxaan ku nool nahay bulsho muuqaalka jecel, qalad weyn ayayna igu aheyd inaan hore u eegin muuqaalkeyga.” ayuu yiri tababaraha Talyaaniga.

“Waxaad arkeysaa anigoo kala bar bidaarle ah, ka dibna bidaarle buuxda noqday haatana timo cusub ayaan leeyahay oo nolosha ii hagaajisay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More