Garsooraha Dhexdhexaadin Doona Kulanka Adag Ee Real Madrid
Garsooraha dhexdhexaadin doona kulanka adag ee Champions League ee Real Madrid iyo Inter Milan ee ugu dambeeya wareegga hore ee hormooyinka ayaa la shaaciyey.
Real Madrid oo hal dhibic kaliya sidata, labadii ciyaarood ee horena midna laga badiyey midna barbarro soo gashay ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano waxay ku martigelin doontaa Inter Milan habeenka Salaasada ee toddobaadkan, waxaana Zinedine Zidane uu u dagaallami doonaa sidii uu guul u keeni lahaa, haddii kale, waxa halis geli doonta fursadda ay kooxdiisu ugu gudbi doonto wareegga 16ka.
Ciyaartii hore, waxa Real Madrid 2-3 kaga adkaatay Shakhtar Donetsk oo ugu timid Madrid halka ciyaartii labaad ay dirqi kula barbarreeyeen Borussia Monchengladbach oo goolasha kala hor martay.
Inter Milan ayaa dhinaceeda aan arag wax guul ah, waxaana labadii ciyaaroodba ay barbarro la kala gashay Borussia Monchengaladbach iyo Shakhtar Donetsk.
Labada kooxood oo dhaarsan ayaa waxay Salaasada albaabka iskugu xidhan doonaan garoonka Alfredo di Stefano oo madhan, halkaas oo uu garsoore ugu noqon doono Clement Turpin oo u dahshay waddanka Faransiiska.
Turpin ayay tahay markii saddexaad oo uu qabto kulamo Real Madrid ay ciyaarayso.
Markii ugu horreysay waxay ahayd ciyaar ka tirsanayd marxaladdii hormooyinka ee Champions League xili ciyaareedkii 2014/15, taas oo ay Real Madrid 4-0 kaga adkaatay Ludogerets.
Ciyaartii labaadna waxay ahayd heerkii Group-yada ee xili ciyaareedkii 2018/19, taas oo Real Madrid ay 2-0 ku jiidhay AS Roma.