Atalanta Oo Musiibo Dhaawacyo Ah Badhtanka Ka Gashay Kahor
Kooxda ree Talyaani ee Atalanta ayaa dhexda kaga jirta mashaqo dhaawacyo ah kahor kulankooda soo socda ee ay UEFA Champions League la balansan yihiin Liverpool xilli ay labada kooxood wareega saddexaad ee heerka Group-yada kulamayaan.
Kooxda lagu naanayso La Dea ayaa Salaasada soo socota kahor tagaya dhigooda difaacanaya horyaalka Premier League kaddib markii ay guul 2-1 ah shalay kasoo gaadheen kooxda Crotone oo ay booqdeen.
Sida uu hadda sheegayo wargeyska La Gazzetta dello Sport, Rafael Toloi ayaa kulankaas ka baxay iyadoo ay jugi gaadhay jilibkana uu wax ka qabo halka Romero iyo Hans Hateboer ay qabaan dhaawacyo muruq ah.
Dhinaca kale Martin De Roon oo seegay kulankii ay booqdeen Crotone shalay ayaa qaba dhaawac gumaarka ah, si lamid ah Robin Gosens oo soo kabtay balse labadaba waxa loo arkaa kuwo shaki ku jiro fursadooda kulankaas.
Sidoo kale ciyaaryahanada ah Pierluigi Gollini iyo Mattia Caldara ayaa labaduba hubaal seegi doona kulanka ay Atlanta wajahayso xiddigaha Jurgen Klopp maadaama ay iyagu dhawr bilood garoomada ka maqnaan doonaan.
Tababaraha Atalanta ee Gasperini oo shalay la weydiiyay xaalada dhaawac ee xiddigaha kooxdiisa ayaa ku jawaabay “Saddex maalmood ayaanu haysanaa, waxaan filayaa inay cidi noosoo kaban karto”
Liverpool ayaa qudheedu qabta dhaawacyo, Virgil Van Dijk iyo Fabinho ayay hubaal tahay inay maqnaan doonaan kulankaas halka uu shaki ku jiro Joel Matip iyo Thiago Alcantara oo aan qayb ka ahayn kulankii ay West Ham United ka adkaadeen xalay.