Skip to content
Tuesday, September 22, 2026 9 Rabi al-Thani 1448 AH Maghrib 17:54
Muqdisho 26°C
Breaking: Somali health centre faces closure after 40 years of serving the community
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

“Waan Ku Faraxsanahay Ziyech Laakiin Wali Kuma Qanacsani…..”

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Halyeeyga kooxda Chelsea ee Frank Labouef ayaan ku wada faraxsanayn bandhiga xiddigaha kooxdiisii hore kulankii ay xalay guusha weyn ee 3-0 ka ah kasoo gaadheen Burnley oo ay Turf Moore ku booqdeen.

Labouef ayaa sheegay inuu si gaar ah ugu faraxsanaa Hakim Ziyech oo kulankii labaad ee xidhiidh ah ee uu kusoo bilawday goolkii labaad dhaliyay balse sheegay inuusan si buuxda ugu qancin Kai Havertz oo ah xiddiga haatan ugu mushaharka badan kooxda,

Kai Havertz ayaa shalay booskiisii caadiga ahaan mid ka qoto dheer ka ciyaarayay waxaana uu khadka dhexe kula midaysnaa N’Golo Kante iyo Mason Mount xilli uu doorka No.8 qaabilsanaa.

Havertz ayaa soo qaatay kulan wanaagsan isaga oo daafacasho fiican soo muujiyay isla markaana sameeyay baasas heer sarre ah oo uu ku kala dhantaalay daafaca Burnley.

Walow uu awoodi waayay inuu gool dhaliyo amaba uu caawin sameeyo, dad badan ayaa aaminsanaa inuu ahaa kulankii uu bandhiga ugu wanaagsn sameeyay tan iyo markii uu lacagta 72-ka Milyan ee Pound ah ugaga soo biiray dhinaca Bayer Leverkusen.

Si kastaba, xiddigii hore ee Blues ee Frank Labouef oo ESPN la hadlayay ayaa sheegay inuu qab ciyaareed intaas ka wanaagsan ka doonayo Kai.

Labouef ayaa yidhi isaga oo hadlayay kaddib kulankii shalay “Waxaan filayaa inay sii fiicnaanayaan, ciyaartoydu way fiicnaanayaan”

“Anigu aad baan ugu faraxsanahay Ziyech, inuu taam noqday iyo inuu qaab ciyaareedkiisa ugu fiican muujinayo, laakiin anigu wali kuma qanacsani Havertz, wali intaas wax ka badan ayaan isaga ka doonayaa”

 

How do you rate this story?

0 votes