Skip to content
Tuesday, September 22, 2026 9 Rabi al-Thani 1448 AH Maghrib 17:54
Muqdisho 26°C
Breaking: Somali health centre faces closure after 40 years of serving the community
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Shaxda Rasmiga Ah Ee Burnley vs Chelsea – Lampard Oo Keyd

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Chelsea ayaa maanta booqaneysa garoon aan looga badinin horyaalka Premier League ee Turf Moor iyagoo marti u ah kooxda Burnley oo qaab ciyaareed adag soo bandhigeysa xilli ciyaareedkan.

Blues ayaa badisay shan ka mid ah lix kulan oo ay booqatay garoonka Turf Moor tan iyo intii horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League.

- Advertisement -

Xaqiiqdiina markii ugu danbeysay ee ay Burnley garoonkeeda uga badisay Chelsea kulan horyaalka ahw axay aheyd bishii Agoosto 1973 markaasoo ay 1-0 ku badiyeen.

Tababare Frank Lampard ayaa shax adag soo safay kulanka maanta laakiin isbedelo qaar ku sameeyay shaxdiisa kulankii ugu danbeeyay ee horyaalka Premier League.

Hakim Ziyech oo kulankiisii ugu horeysay lagu soo bilaabay kulankii Champions League ee Talaadadii ayaa mar kale ku soo bilaabanaya kulanka maanta ee Turf Moor isagoo gool ka dhaliyay kooxda Ruushka bartamihii isbuuca.

Laakiin waxaa kursiga keydka la geliyay weeraryahanka Jarmalka Timo Werner iyadoo Tammy Abraham uu booskiisa ku soo bilowday.

Waxaa sidoo kale keyd loo dhaadhiciyay Jorginho iyo Azpilicueta iyadoo khadka dhexe ay ka ciyaarayaan N’Golo Kante, Mason Mount iyo Kai Havertz.

Waxaa weerarka isku baheystay Pulisic iyo Ziyech oo caawinaya Abraham. Dhanka daafaca Thiago Silva ayaa soo laabtay isagoo kabtan u ah kooxda kulanka maanta.

SHAXDA RASMIGA AH:

Burnley: Pope, Lowton, Long, Tarkowski, Taylor, Stephens, Brownhill, Westwood, McNeil, Barnes, Wood.

Keyd: Peacock-Farrell, Dunne, Richardson, Brady, Rodriguez, Vydra, Thompson.

Chelsea: Mendy, James, Silva, Zouma, Chilwell, Kante, Pulisic, Havertz, Mount, Ziyech, Abraham.

Keyd: Caballero, Rudiger, Jorginho, Werner, Giroud, Hudson-Odoi, Azpilicueta.

How do you rate this story?

0 votes