Heshiisyada Daaha-gadaashiisa: Kaalinta hogaamiyayaasha DG ee

Heshiisyada Daaha-gadaashiisa: Kaalinta hogaamiyayaasha Dowlad-goboleedyada ee doorashooyinka Madaxtooyada & Baarlamaanka Soomaaliya!

Waa warbixino taxane ah oo aan ku lafagureyno aragtida Dowlad-goboleedyada iyo meesha ay ka taagan yihiin doorashooyinka Soomaaliya iyo sidoo kale adeegsiga Kaararka   & farsamooyinka Siyaasadda ee hogaamiyayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Hordhac:

Waxa jira xaqiiqo dhulka taal oo si toos ah saameyn ugu leh muuqaalka siyaasadeed ee maanta ka taagan Soomaaliya, xaqiiqadaasi sir ma aha cidna kama qarsoona! waana awoodda & Mugga siyaasadeed ee 5ta Dowlad-goboleed:- Puntland, Koofurgalbeed, Hirdhabeelle, Galmudug & Jubbaland oo ah Dowlad-goboleedka ugu saameynta badan tartanka doorashooyinka 2020/2021, ma jirto koox siyaasadeed oo leh saameyn-siyaasadeed oo u dhiganta midda Jubbaland! Kaararka siyaasadeed ee ay leedahay Jubbaland waxa ay bara-dheer yihiin kana muhiimad badan yihiin dhammaan Kaararka siyaasadeed ee ay haystaan golayaasha siyaasadeed ee kale iyada oo ay ku jirto xukuumadda dhexe.

Dowlad-goboleedyadu marba marka ka dambeysa waxa ay ku soo qancayeen muhiimadda iyo waxtarka ay leedahay mideynta aragtidooda, mowqifyada ay ka taagan yihiin arrinta dowladda dhexe iyo danahooda si ay musatqbalka uga qayabgalaan ciyaarta siyaasadeed ee Waddanka, waxa ay fahameen sida ay Waajibka u tahay in ay hal musharax ku taageeraan doorashooyinka February-2021 ka dhacaya dalka.

Sheydaanku waxa uu ku jiraa faahfaafhinta, mugdi & madmadow badan ayaa ku gadaaman sida ay noqon doonta aragtida iyo mowqifyada ay ka taagan yihiin hogaamiyayaasha dowlad-goboleedyadu  madaxweyne Farmaajo! Haddaba –

Waa kuma Musharaxa dowlad-goboleedyada u beddelaya Farmaajo ee ay suuragalka tahay in ay taageeraan?
Maxay doonayaan hogaamiyayaasha DG? maxaase xadeynaya go’aanadooda siyaasadda?
Ma la heli karaan hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedyadu bii’ad siyaasadeed oo ay wadaagaan hogaamiyayaasha Dowlad-goboleedyadu taas oo ay ku dhisan karaan isbahyesi Istiraatiijayeed oo u horseedi kara madaxdaas in ay ku heshiiyaan taageeridda iyo xoojinta hal musharax madaxweyne oo isna markiisa horseeda dhismaha xukuumad dhexe oo heshiis lagu yahay islamarkaana haysata taageerada dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka?

Su’aalahaas oo leh muhiimad gaar ahaaneed iyo qaarkaloo  badan ayaan ku falanqeyneynaa taxanaha Warbixino aan ugu kuurgeleyno  Kaalinta DG ee doorashooyinka Soomaaliya!, adeegsiga Kaararka  & farsamooyinka Siyaasadda, taxanahan waxa aan ugu wanqalnay: Heshiisyada Daaha-gadaashiisa: Kaalinta DG ee doorashooyinka Madaxtooyada & Baarlamaanka Soomaaliya!

Illaa hadda xogta la hayo waxa ay muujineysaa in hogaamiyayaasha dowlad-goboleedyadu isku qabteen danaha u dhexeeya, waxa jira aragti ay qabaan oo iska soo horjeedda taas oo ku saabsan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha, dagaallo siyaasadeed ayaa hulaaqaya, hogaamiyayaasha dowlad-goboleedyada qaarkood waxa ay ka labalabeynayaan in ay xiriirka ka goostaan madaxweyne Farmaajo iyo Villa Somalia iyada oo hogaamiyayaasha dowlad-goboleedyada qaarkood ay madaxweyne Farmaajo  u arkaan Shaqsi aan la jecleyn sidaas awgeedna ay waajib tahay in laga fogeeyo lagana dheereeyo muuqaalka siyaasadda, aragtidaasna waxa ay ku dhisayaan sida ay la tahay dhibaato uu u geystay hab-socodka siyaasadda ayna suuragal tahay in uu six un u saameeyo mustaqbalka iyo jiritaanka nidaamka siyaasadda Waddanka.

Tusaale ahaan aragtida madaxweynaha dowlad-goboleedka KGS ee kuwajahan madaxweyen Farmaajo iyo xitaa musharixiinta kale weli ma cadda ama waxa ku gadaaman madmadow! Laftagareen weli ma go’aansan mana qaadan hal aragti oo kusaabsan taageerada hal musharax, waxa uu indha-indheynayaa sida xaaladuhu isu rogrogayaan iyo sida ay u socoto dabeysha siyaasaddu.

Sida Muuqata Cabdicasiis Laftagareen si uu go’aan munaasab ah u qaato ma doonayo in uu la tartamo xaaladaha iyo dhacdooyinka ololaha doorashada, dhammaan xulashada iyo  filashooyinku waa u furan yihiin halka aragtida madaxweynayaasha DG Puntland iyo Jubbaland Siciid Deni & Axmed Madoobe ay caddahay islamarkaana ay si dhammeystiran u muuqato iyada oo aanay wax hummaag iyo madmadow ah ku jirin, labaduba waxa ay raadinayaan musharax u beddela madaxweynaha talada haya! Sinnaba uma taageerayaan musharaxnimada madaxweyne Framaajo ee xilli-madaxeed labaad.

Marka ay timaad kahadlidda xaalka madaxweynaha DG Galmudug Axmed Qoorqoor iyo aragtidiisa kuwajahan doorashooyinka illaa hadda waxa muuqata in uusan af-haysan ama uusan ka aamusin musharixiinta iyo doorashooyinka hayeeshee waxa ay u badan tahay in go’aankiisa taageerada hal musharax uu u dhexeeyo in uu taageero madaxweynihii iskacasilay xilka uu hadda hayo Axmed Qoorqoor! Waa  Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo in uu u bato oo gacan siyaasadeed u fidiyo ra’isalwasaarihii golaha shacabku kala noqday Kalsoonida Xasan Cali Khayre iyo doorasho kale oo aan caga-badnayan oo ah In uu labadaasba daaqadda ka bixiyo oo uu taageeradiisa hal musharax isugu geeyo madaxweyne Farmaajo.

Dowlad-goboleedka Hirshabeelle waxa ay kujirtaa xaalad gaar ah, waxa aan ku sharrixi doonnaa haddii Alle idmo maqaalada soosocda ee Warbixinta silsiladda ah.

Taxanaha Warbixinadan oo ka kooban 5 qaybood waxa aan xoogga ku saareynaa Istiraatiijiyadda dowlad-goboleedyada ee doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka,  Taxanahan waxa aan ku falanqeyn doonaa Arrimaha u gaarka ah dowlad-goboleed walba! Sida shaqsiyaadka waaweyn ee saameynta iyo fulinta siyaasadeed ku leh go’aanadeeda, walxaha hortebinta u leh, Saameeyeyaasha go’aanadeeda siyaasaddeed.

Sidaas oo kale waxa aan si xeeldheer ugu lafagureynaa taxanahan xiriirka u dhexeeya dowlad-goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo, Wasiirka koowaad ee xukuumadda dhexe Maxamed Xuseen Rooble iyo awoodaha kale ee siyaasadda.

Waxa aan si wax ku ool iyo xirfadyahanimo ah u qiimeyneynaa xajmiga iyo culeyska siyaasadeed ee ay leedahay Dowlad-goboleed kasta! Innaga oo si gaar ah u dul istaageyna dhammaan filashooyinka iyo xulashooyinka ku xeeran musharaxa ay dooneyso dowlad-goboleedku in ay taageerto.

Waxa aan iskudeyeynaa in aan daaha ka qaadno intii suuragal ah arrimaha dhex socda xaashiyaha iyo kaararka siyaasadda sida gorgortanka, heshiisyada qarsoodiga ah ee la galo si loo rogo ama loo geddiyo miisaanka awoodaha siyaasadda kuwaas oo si walba uga duwan dhammaan waxa ay hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiintu sida muuqata  u sheegayaan.

Warbixinadan marka aan soo bandhigeyno waxa aan cuskaneynaa macluumaad ku saleysan xaqiiqooyin iyo mas’uuliyad, kuwaas oo Tebiyeyaasheenu ka soo ururiyeen bartamaha dhacdooyinka iyo xarumaha go’aanka lagu gaaro ee caasimadda Muqdisho iyo caasimadaha dowlad-goboleedyada Garoowe, Kismaayo, Baydhaba, Dhuusamareeb iyo Jowhar.

Maqaalkan oo Carabi ah halkan ka aqri

Axadle Media

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More