Skip to content
Tuesday, September 22, 2026 9 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:39
Muqdisho 25°C
Breaking: Typhoon Dujuan Kills at Least Four in Japan, Cuts Power to 45,000 Homes
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

QM oo dalbatay in baaritaan lagu sameeyo shaqaalle ka tirsan

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 3-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~3 min audio

SRSG for Somalia

Security Council meeting

- Advertisement -

The situation in Somalia
Report of the Secretary-General on Somalia (S/2020/121)

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka hadlay laba kamid ah Shaqaalahooda samafalka oo dhawaan lagu dilay weerar ka dhacay degmada Kaxda ee dulleedka magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu cambaareeyay dilkaas, waxaana lagu sheegay in labada qof ee la dilay ay ahaayeen Shaqaalaha qeybta talaalka ee Qaramada Midoobay.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dilka laba ka mid ah shaqaalaha samafalka, oo la sheegay inay magaalo hogaamiyayaasha Muqdisho ku dileen dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Qoraalka ayaa intaasi raaciyay “Labada shaqaale samafal ee Soomaaliyeed waxay ku shaqeynayeen ololaha socday ee tallaalka cudurka dabaysha, ee ay soo qabanqaabiyeen Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka”.

“Shaqaalahani waxay ahaayeen dad rayid ah oo adeegyo caafimaad oo muhiim ah siinayay carruurta nugul ee magaalada Muqdisho. Qaramada Midoobay waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun waxayna ku nuuxnuuxsanaysaa in dhinacyada oo dhan ee xaaladaha colaadda ay waajib tahay inay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan dadka rayidka ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Qaramada Midoobay ayaa hay’adaha amaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay sameeyaan “ baaritaan buuxa ku sameeyaan dilalka, waxayna tacsi tiiraanyo leh u direen qoysaska dhibaatadda soo gaartay.

“Dhimashada labadan shaqaale caafimaad waxay xadgudub weyn ku tahay Sharciga Caalamiga ee Bani’aadanimada. Iyagoo ahaa shaqaale bini’aadanimo, waxay ku sugnaayeen jiidda hore iyagoo isku dayaya inay xakameeyaan cudurka dabaysha. Waa wax laga xumaado in la dilo iyagoo isku dayaya inay caawiyaan dad kale,” ayuu yiri Isuduwaha Arrimaha Bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula.

“Waxaan dhammaan dhinacyada ku boorinayaa inay ilaaliyaan shaqaalaha samafalka, taasoo ay ka mid tahay inay dhowraan mabaadi’da samafalka ee bani’aadanimada, eex la’aanta, dhexdhexaadnimada iyo madax-bannaanida, si aan Soomaaliya uga cirib-tirno cudurrada laga hortegi karo sida cudurka dabaysha oo kale,” ayuu ku sii daray Isku-duwaha Howlaha Bani’aadanimada.

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay weerar ay ku dhinteen ugu yaraan 3 ruux oo ay ku jireen Labo gudoomiye Waaxeed oo ka tirsan degmada Kaxda iyo haweenay ka shaqaynaysay ololaha wacyi galinta ee UNIFEC.

Weerarkaas ayaa sidoo kale Weerarkaasi waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Taliyihii nabad sugida degmada Kaxda Cabdulqaadir Sheekh Maxamed iyo Todobo ruux oo kale sida ay ogaatay Axadle.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka waxa ayna sheegtay in halkaasi lagu dilay ugu yaraan 6 ruux oo isku jirta askar iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

How do you rate this story?

0 votes