Maxaa ka soo kardhay weerarkii maanta lagu dilay labo
Labo gudoomiye Waaxeed oo ka tirsan degmada Kaxda iyo haweenay ka shaqaynaysay ololaha wacyi galinta ayaa lagu dilay toogasho iyo qarax gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay duleedka Muqdisho sida ay Axadle u xaqiijiyeen saraakiisha amaanka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Saraakiishu waxa ay Axadle u sheegeen in qaraxaasi ay ku dhinteen gudoomiye waaxeedya-dii waaxda Generaal Liqliqato iyo Siinka-dheer Nuur Maxamed Geedoow, Ibraahim Colow Cali ee dagmada Kaxda ee gobolka Banaadir iyo haweenay ka shaqaynaysay ololaha wacyigalinta oo lagu magacaabi jiray Faadumada Mataan.
Weerarkaasi waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Taliyihii nabad sugida degmada Kaxda Cabdulqaadir Sheekh Maxamed iyo Todobo ruux oo kale sida ay ogaatay Axadle.
Sidee wax u dheceen?.
Dablay hubaysan ayaa toogatay gudoomiye waaxeedkii Siinka dheer ee degmada Kaxda Ibraahim Colow Cali, iyo Faadumada Mataan oo waday olole wacyigalin ah waxaana goobta dilku ka dhacay ku baxay gudoomiyaha degmada iyo taliyaha NISA ee degmaasi waxaana lala eegtay qarax gaari kaas oo dhaliyay dhimashada gudoomiye waaxeedkii waaxda Generaal Liqliqato Nuur Maxamed Geedoow iyo dhaawaca 8 ruux oo uu ku jira taliyiha NISA ee degmada Kaxda Cabdulqaadir Sheekh Maxamed.
Qaraxan ayaa ka dhashay baabuur la sheegay in ay meesha uga tageen dablaydii dilka gaysatay oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Kaxda iyo gobolka Banaadir oo la xiriira qaraxa iyo dilka labada Gudoomiye Waaxeed.
Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka waxa ayna sheegtay in halkaasi lagu dilay ugu yaraan 6 ruux oo isku jirta askar iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Axadle Media