Jurgen Klopp Oo Canaantay Weeraryahannada Liverpool Ee Mane,

Jurgen Klopp ayaa weerar afka ah ku qaaday weeraryahannada kooxdiisa Liverpool markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay xalay dirqiga kaga badiyeen Sheffield United.

Liverpool ayaa laba gool ku beddeshay gool rikoodhe ahaa oo Sheffield United ay kala hormartay, waxaana ay libntani siisay in ay figta sare ee horyaalka ku wada fadhiistaan Everton oo ay min 13 dhibcood haystaan, laakiin kooxda tababare Ancelotti ayaa maanta ciyaaraysa kulankeeda usbuucan.

Sander Berger ayaa rikoodhe uu muran ku jiray gool ugu beddelay Sheffield United qaybtii hore, waxaase intii aan loo bixin waqtiga nasashada goolka barbaraha u keenay Liverpool Roberto Firmino.

Saxeexa cusub ee Diogo Jota ayaa goolka guusha siiyey Liverpool kaddib uu si qurux badan ugu soo dhiibay Sadio Mane oo goolka horena isagu madax ku qabtay kubadda oo goolhayaha Sheffield United markii uu iska soo tufay uu Firmino la kulmay kubadda.

Jurgen Klopp ayaa markii ay ciyaartu soo dhamaatay waxa uu warbaahinta farriin adag u mariyey weerarka kooxdiisa oo uu u sheegay in aanu ku qanacsanayn ciyaartooda, waxaanu yidhi: “Bilwogii xoogaa ayaanu isku dhex yaacsanayn. Waxa aanu garoonka dhexdiisa ku haysanay afar ciyaaryahan oo weerar ah, balse dhamaantood waxay bixinayeen ikhtiyaar isku mid ah.

“Laakiin waan jeclaa qaybtii dambe. Si wanaagsan ayuu noogu bilowday qaybta dambe, waxaananu fiicnayn 20 illaa 25daqiiqadood. Waxa aanu dhalin karaynay goolal badan, kaddibna dib ayay usoo laabteen.”

“Way fiican tahay in lagu guuleysto 2-0 ama 3-0 ciyaar kasta balse taasi waxa kaliya oo ay dhacdaa haddii, ciyaaraha sidan ah aanu diyaar u nahay inaanu si adag u dagaallano.”

Liverpool ayaa Salaasada la ciyaari doonta FC Midtjylland kulan ka tirsan Champions League, kaddib waxay garoonkeeda Anfield ku martigelin doontaa West Ham toddobaadka soo socda,

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More