DG oo soo dhameystiray magacaabista Guddiga Farsamo ee

Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle oo ugu dambeysay magacaabista Xubnaha Guddiga farsamada & xalinta khilaafaadka Doorashada 20/21 ayaa soo dhameystiray min 4-ta xubnood ee laga doonayo.

Soo gubdinta xubnahaan oo lagu ballansanaa 10-ka ilaa 20-ka Oktoobar 2020 waxaa ku yimid dib u dhac dhanka waqtiga, inkasta maanta oo lasoo dhameystiray haatan oo 5-Cishe laga joogo waqtigii ugu dambeeyay.

Dhanka Xukuumadda ayaa dhiman xubnaha Guddiga farsamada & xalinta khilaafaadka si meel la isugu keeno looguna wareejiyo howlaha horyaalla oo ay kamid tahay in ay iska dhex doortaan Guddoomiye & isu qaybinta shaqada.

Howsha ugu horeyso ee Guddiga farsamada & xalinta khilaafaadka Doorashada 20/21 waa xareynta Odoyaasha Beelaha si ay usoo xushaan Ergada kuraasta Xildhibaannada dooraneyso oo kursigiiba laga rabo 101-ruux.

Xubno katirsan Guddiga farsamada ayaa Axadle u sheegay in ay la shaqeynayaan guddi heer Federaal ah oo shaqada iyo dhaq-dhaqaaqyada howlaha ay hayaan kor kala soconaya si doorashada xor & xalaal u noqoto.

Haddaba, maxaa heysta Magacaabista Guddiga farsamo & xalinta khilaafaadka dhanka DFS, maadaama Madax Goboleedyadu ay soo gudbiyeen xubnihii laga sugayay?

Deni oo soo magacaabay xubnaha kumatalayda guddiga doorasha heer Faderaal ee 2020/21.

Galmudug oo soo Gudbisay xubnaha Guddiga Doorashada 20/21 ku matalaya.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More