Waa Maxay Sababta Uu Luis Suarez 1000 Beegar (Burger) Uga

Weeraryahanka Atletico Madrid Luis Suarez ayaa maqaaxida McDonald qeybteeda ku taala dalkiisa Uruguay wuxuu ka iibsaday KUN beegar (Burger).

Laakiin ma ahan mid uu isagu cunayo laakiin waxay qeyb ka tahay mashruux taakuleyn oo ay maqaaxida McDonald sannad walba ka sameyso dalkiisa Urugay isagoo cuntada ku dalbaday 5600 doolar.

McDonald waxay lacagtaas u adeegsaneysaa inay ku taakuleyso dadka dan yarta ah ee ku nool Uruguay iyagoo sannad walba qabta barnaamij tabarucaad ah oo ay dadku ku dalbanayaan cunto islamarkaana lacagta cuntadaas lagu caawinayo dadka saboolka ah.

Sannadkii la soo dhaafay xiddiga reer Argentina Carlos Tevez ayaa isna ku deeqay kun beegar.

Sannadkan Suarez ayaa isna ka qeyb qaatay barnaamijka tabarucaad ah isagoo 5600 doolar ku dalbaday kun beegar isagoo isticmaalaya app-ka McDelivery ee dalkiisa madaama uu ku sugan yahay haatan Madrid.

Xiddigii hore ee Liverpool iyo Barcelona ayaa cunadaas cadadkeeda gaareyso kun wuxuu mid walba ku iibiyay shan doolar iyo lixdan senti.

Lacagtaas waxaa wax loogu qabanayaa caruurta da’da yar ee kubada ciyaara ee magaalada Pando oo 20 mayl u jirta caasimada Uruguay ee Montevideo.

Maqaaxida McDonald waxay caawisaa in ka badan 7 kun qoys sannad walba gudaha dalka Uruguay.

Waxay dadka saboolka ah ka caawiyaan cuntada iyo guryeynta halka ay sidoo kale caawiyaan dumarka uurka leh iyo dadka u baahan daweynta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More