Skip to content
Tuesday, August 18, 2026 4 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:46
Muqdisho 25°C
Breaking: WHO chief says DR Congo Ebola outbreak remains far from under control
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

FADEEXAD: Sawiro Laga Qaaday Wayne Rooney Isagoo La Jiifa Dumar Qaawan

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Laacib

Wayne Rooney ayaa u wacay boliiska ka dib markii sawiro isagoo la jiifa dumar qaawan xilli ay habeenkii oo dhan ay khamri cabayeen lagu faafiyay baraha bulshada.

Tababaraha kooxda Derby County oo 35 sanno jir ah ayaa lagu sawiray isagoo dhar xiran oo ku fadhiya kursi islamarkaana ay ku gaaf wareegsan yihiin dumar qaawan, xilli ay ku caweynayeen huteel ku yaala Manchester.

- Advertisement -

Wayne Rooney Iyo Xaaskiisa Coleen

Waxaa la fahamsan yahay in Rooney uu aaminsan yahay inuusan sameynin wax qalad ah, laakiin waxa uu cabasho u gudbiyay boliiska isagoo ku doodaya in sawirada la qaaday isagoo hurda islamarkaana aan ogolaansho la weydiisanin.

Mid ka mid ah sawirada oo cinwaan looga dhigay” mooney Rooney” ayaa waxaa ka soo muuqatay gabar qaawan oo xageeda danbe kaamirada soo xijisay iyadoo Rooney uu hurdo.

Sawir kale oo loogu magacdaray “Sleepy Wayne” ayaa waxaa ka soo muuqatay gabar kale oo iyadana qaawan oo sawir kala galeysa kabtankii hore ee England isagoo hurda.

Gabar kale oo iyadana qaawan ayaa sawir looga qaaday iyadoo jiifta sariir dhinac taalay xiddigii hore ee Manchester United oo hurdo ku jiray isagoo dharkiisa xiran.

Waxaa la rumeysan yahay in Rooney ay huteelka la joogeen labo nin kale oo aan la magacaabin.

Rooney ayaa ah xaasle leh caruur iyadoo xaaskiisa Coleen Rooney ay wax badan ugu soo sabartay gogol dhaaf uu soo sameeyay intii uu garoomada ku jiray.