CAJIIB: Waa Halyeey Talyaani Ah Balse Wuxuu Doonayaa In Lagu Celiyo

Xiddigii hore ee xulka Talyaaniga iyo kooxda Juventus ee Cladio Marchisio ayaa ku digtay xulka England isaga oo ku jees-jeesay inuu doonayo in labada xul qaran ay dib u ciyaaraan Final-kii Euro 2020 ee 11-kii bishan dhacay.

England ayaa guuldarro kala kulantay xulka uu hoggaaminayay tababare Roberto Mancini iyadoo ciyaar 1-1 kusoo dhammaatay xulka Azzurri uu rigoorayaal guul ku gaadhay.

Mid kamida jamaahiirta xulka England ayaa sameeyay meel uu ugu talo galay olole dib loogu ciyaarayo Final-kaas oo ay dadka doonayaa in lagu celiyo saxeexaan isagoo sababta ka dhigayay in garsoorihii Final-ku uu ahaa mid England ku fooraray.

Laakiin Marchisio oo 35 sano jir ah ayaa soo dhaweeyay aragtidaas isaga oo sababta uu u doonayo ee yaabka lehi ay tahay in xulka Talyaanigu uu marar kale oo badan guulo gaadhi lahaa.

Claudio ayaa bartiisa Twitter-ka ku yidhi qoraal ah “Waan ka xumahay laakiin halkee laga saxeexayaa codsiga dib loogu ciyaarayo Final-ka Italy-England? kun jeer oo kale ayaanu guuleysan karnaa”

Marchisio ayaa ah mid taariikh ku leh England isaga oo mid kamida shanta gool ee uu waayihiisa ciyaareed usoo dhaliyay Italy kasoo dhaliyay xulka saddexda libaax ciyaartii ay guusha 2-1 ka ah kaga gaadheen koobkii aduunka ee 2014.

England ayaan abid guul ka gaadhin Italy iyadoo fursadii ay guusha kaga gaadhi karayeen ay ahayd Final-kii Euro 2020 balse markale guuldarro dhabarka loo saaray.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More