Skip to content
Wednesday, July 15, 2026 Mogadishu 29°C Breaking: Somali Army Kills 42 Al-Shabab Militants in Hiiraan Region
Breaking News
Axadle | Stay Informed with Horn of Africa Headlines

My Axadle

Saved stories

Followed topics

Reader preferences

Language
Edition

Somalia English

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey w…

Follow

Muqdisho (Axadle) – Warbaahinta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay wareysi ay ka duubtay Naftii-haligihii fuliyey weerarkii maalintii jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne, kaasi oo lagu shaaciyey magaciisa iyo beesha uu kasoo jeedo.

Ninka fuliyey weerarka naf-halig-nimada ah ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdullaahi Cabdiqaadir oo loo garan og-yahay “Shaakir”, oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Tuni, gaar ahaan Xajuubo, sida uu sheegay.

Shaakir ayaa sheegay intii uu socday wareysiga laga qaaday ka hor inta uu is-qarxin inuu kooxda Al-Shabaab kusoo biiray 2018-kii, wuxuuna sheegay inuu ugu soo biiray si uu ula Jihaado gaalada kusoo duushay dalka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas oo ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne ay ku dhinteen 7 ka tirsan ciidamada dowlada, halka ay 8-deed kale ku dhaawacmeen iyo bur-burinta gawaaridii ay wateen ciidamada dowladda.

Marka laga imaado sheegashada Shabaab ee khasaaraha ka dhashay weerarka is-miidaaminta ah, waxay dowladda hore u shaacisay in uu qasaare geysan qaraxaas.

Ciidamada dowladda ayaa ka hortagay weerarkaas kadib markii ay toogteen wadihii gaariga waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay, oo ahaa naftii-haligaha ay wareysigiisa baahisay warbaahinta Al-Shabaab.