Waayihii ciyaareed ee Mesut Ozil ee Arsenal ayaa gabagabo maraya. Xiddiga Jarmalka ayaa ku jira sannadkii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa, waxaana laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal u ciyaareysa tartamada Europa League iyo Premier League.
Shalay, Arsenal waxay magacowday liiska 25ka xiddig ee Premier League u ciyaaraya, iyadoo xiddiga Jarmalka aan magaciisa lagu dhex arkin.
Waxay taasi xaqiijisay in Ozil uusan mustaqbal ku laheyn Emirates Stadium.
Maanta oo Arbaco ah Ozil, wuxuu soo saaray warbixin uu kaga hadlo xaaladiisa, isagoo ugu danbeyn farta ku fiiqay sababta looga saaray kooxda iyo bahdilka lagu sameynayo.
Ozil ayaa mar sii horeysay wuxuu ka careysiiyay Shiinaha ka dib markii uu ku cambaareeyay gumaadka ay u geysanayaan dadka Muslimiinta ah, Shiinaha ayaana ku hanjabay inaan ciyaaraha Arsenal laga daawan doonin dalkooda, waxayna u muuqataa in Gunners ay xiddigeeda uga reebtay tartamada si ay u raaligeliyaan Shiinaha.
“Fariintaa waa fariin ay adag tahay inaan u qoro taageerayaasha Arsenal oo aan u ciyaarayay sannadihii ugu danbeeyay. Si weyn ayaan uga niyadjabsanahay xaqiiqda ah inaan la iga diiwaangelinin xilli ciyaareedka Premier League waqtigaan.
“Markii aan saxiixayay qandaraaskeyga cusub sannadkii 2018, waxaan balanqaaday inaan daacad u noqonayo islamarkaana u heelanahay koox aad jeclahay ee Arsenal, waana ay i murjineysaa inaan daacadnimadaas anigana la ii muujinin. Madaama aan haatan ogaaday inay adag tahay in daacad la isku noqdo maalmahaan.
“Waxaan isku dayay mar walba inaan niyadsami muujiyo isbuucba isbuuca ku xiga, anigoo aaminsanaa inaan mar dhow kooxda ku soo laabanayo. Waa sababta aan ilaa iyo haatan u aamusnaa. Ka hor Korona Fayras aad ayaan ugu faraxsanaa horumarka aan ku hoos sameynayay tababaraheena cusub Mikel Arteta – meel fiican ayaan u soconay, qaab ciyaareedkeygana aad ayuu u fiicnaa.
“Laakiin ka dib waxbaa isbedelay mar kale, mana la ii ogolaanin inaan kubad u ciyaaro Arsenal. Maxaan kale oo aan oran karaa? London weli waa gurigeyga, saaxiibo fiican oo badan ayaan ku leeyahay kooxda, xiriir xoogan ayaan la leeyahay taageerayaasha kooxda.
Wax walba oo dhaca, waxaan u sii dagaalami doonaa fursadeyda, ma doonayo in xilli ciyaareedkeygii 8aad uu sidaan ku soo dhamaado. Waxaan idiin balanqaadi karaa in go’aankaan adag uusan waxba ka bedeli doonin maankeyga- waan sii wadayaa tababarka, mar kasta oo ay ii suurtogashana waxaan codkeyga u isticmaalayaa inaan uga soo horjeesto gumaaka bani’aadanimo islamarkaana ku taageero cadaalada”
Ereyada ugu danbeeya qoraalkiisa ayaana muujinaya sababta Ozil looga saaray kooxda Arsenal.