Yey u adeegsatay haweeneyda sumeysay Macalin Cumar?
Beledweyne (Axadle) – Taliska Booliska Beledweyne ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey falkii xalay lagu sumeeyey Allaha u naxariistee marxuum Cumar Macalin Maxamud oo ahaa Macalin dhiga dugsi lagu barto Qur’aanka Kariimka.
- Advertisement -
Taliyaha saldhigga Booliska magaalada Beledweyne, Laba Xidigle Maxamed Maxamuud Rooble Qorsheel oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in dhacdadan ay ka dambeysay xaaska marxuumka, isla-markaana ay socdaan baaritaano dheeraad ah.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamadu ay qaadeen howl-gal, kadib falkaasi waxaana uu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen wiilal yar yar oo uu sheegay in haweeneyda ay u adeegsatay dhacdada sumeynta ee lagu dilay Macalin Cumar.
Qorsheel ayaa sidoo kale xusay in cadaaladsa la horkeeni cid kasta oo ka dambeysay dilka marxuumka, isla-markaana ay natiijada baarista dib ka shaacin doonaan.
Ugu dambeyn waxa uu digniin adag u diray ganacsatada, isaga oo sheegay in aan la iibin karin sunta dadka disha, iyada oo aan fasax looga heysan laamaha amniga.
Sida ay Axadle u sheegeen xubno ka tirsan ehellada marxuumka ayaa dhowaan guursaday haweeneyda Sumeysay, lamana oga sababta ku kaliftay.
Dhacdadan ayey aad uga argagaxeen dadka ku nool Xaawo-taako ee Beledweyne, maadaama uu ahaa Macalin Dugsi Qur’aan oo aad looga yaqaanay xaafaddaasi.
Allaha u naxariistee Macalin Cumar Macalin Maxamud ayaa maanta lagu aasay gudaha magaaladaasi, waxaana aaskiisa ka qeyb-galay mas’uuliyiin & dadweyne fara badan.