Khabiirada BBC Sport Oo Saadaaliyay Kooxda Xilli
Konton iyo sideed maalmood ka dib markii ay Bayern Munich koobka ku qaaday magaalada Lisbon, Champions League ayaa soo laabanaya caawa.
Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, afar kooxood oo lama filaan ah ayaa isagu soo hartay wareegii afar dhamaadka Bayern, PSG, Lyon iyo RB Leipzig.
Sidaasi darteed yaa sannadkan ku guuleysan doona koobka? BBC ayaa weydiisatay khabiiradeeda kubada cagta ee Yurub kuwaasoo saadaal ka bixiyay.
Andy West oo ka qora kubada cagta Spain ayaa saadaaliyay in Real Madrid ay ku guuleysan doonto Champions League xilli ciyaareedkan isagoo aaminsan in tababare Zidane uu heysto ciyaartoydii uu mar kale ku qaadi lahaa koobka dhega weyne.
Constantin Eckner oo ah qoraaga kubada cagta Jarmalka ee BBC ayaa isna saadaaliyay in Real Madrid ay sannadkan hanan doonto Champions League isagoo sharaxay in Zidane uu heysto xiddigo wacdarro dhigi kara.
Phil McNulty oo ah madaxa qorayaasha kubada cagta ee BBC ayaa koobka u saadaaliyay midkood labada kooxood ee kala ah Bayern Munich iyo Liverpool isagoo sheegay inuu si weyn ugu janjeero Liverpool madaama ay soo iibsadeen Thiago Alcantra.
Ian Holyman oo ah soo saaraha barnaamijka horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 ayaa isna saadaaliyay in Bayern Munich ay difaacan doonto Champions League isagoo sheegay inay adag tahay in la iska indhotiro kooxda Jarmalka iyo awoodeeda.
Daniele Verri oo ah joornaaliistaha kubada cagta Talyaaniga ayaa sheegay in guuleysataha uu sannadkan ka imaan doono Ingariiska isagoo xusay in kooxaha Spain ay awoodooda hoos u dhacday. Wuxuu koobka u saadaaliyay midkood Liverpool ama Manchester City isagoo sheegay in kooxda Pep Guardiola ay qaadi doonto koobka haddii Aguero uu gooldhalin bilaabo islamarkaana Dias uu buuxiyo booskii Kompany.