CAJIIB: Faa’idada Layaabka Leh Ee Liverpool Ugu Jirta In Man City La

Kooxda Liverpool ayaa heli karta faa’ido lama filaan ah haddiiba weeraryayanka Tottenham ee Harry Kane uu ku biiro kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester City.

Iyadoo Tottenham ay u muuqato mid wali aad uga fog fursada ay wax koobab ah ugu guuleysanayso, Harry Kane ayaa si cad ugu sheegay maamulka kooxdiisa inuu bixitaan doonayo.

Kabtanka xulka England ayaa ah mid kamida xiddigaha ugu wanaagsan booskiisa weerarka dhexe dunida oo dhan isaga oo kusoo guuleystay abaalmarinta gool dhalinta kabta dahabka ah xilli ciyaareedkii tagay.

Laakiin guulahaas shaqsiga ah ee uu gaadhay ayaan wali ku hoggaamin inuu wax koob ah hanto waana sababta uu u doonayo inuu koox bedelasho sameeyo xagaagan.

Kooxda hoggaanka u haysa tartanka saxeexiisa ayaa ah Man City, Spurs ayaa sheegay inay kaliya 150 Milyan oo pound kaga samrayso iibka 27 sano jirkeedaas.

Haddiiba ay Tottenham iibiso Harry, waxa ay suuqa u geli doonaan saxeexa dhaliye cusub waxaana ugu cad cad inay u dhaqaaqi doonaan xiddiga Southampton ee Danny Ings oo ay mudo dheer bar-tilmaameed ka dhiganayeen.

Ings oo saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay 43 gool kasoo dhaliyay Premier League ayaa diiday heshiis cusub oo afar sano ah oo ay Saints usoo bandhigeen isaga oo doonaya inuu heer ka sarreeya midka kooxdiisa ka ciyaaro.

Haddaba. faa’idada heshiisyada isku xidhan ee Kane iyo Ings ay u leeyihiin Liverpool ayaa ah inay Reds 20% ah lacagta lagu iibiyo Ings iyagu yeelan doonaan sidii ay hore ugula heshiiyeen Southampton.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More