Taliye Xijaar oo xil badal iyo magacaabis ku sameeyay
Warqad kasoo baxday Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar waxaa isbadal lagu sameeyay saraakiil, ku xigeenno iyo xubno kale oo katirsan qaybta Booliiska.
Taliye Xijaar ayaa sheegay in iyada oo la eegayo danta shaqada & baahida loo qabo in la dhameystiro howlaha adeegyada Booliiska lagu magacaabay saraakiisha oo ku hor qoran meelaha loo xilsaaray.
Hoggaanka Ciidanka, Maaliyadda & Saadka ayaa warqadda lagu faray in ay ka gutaan waajibaadka ku aadan howlaha xil u kala wareejinta saraakiisha cusub ee xilka la wareegeysa & kuwa shaqo badalka lagu sameeyay.
Axadle.