QIIMAYN: 25-ka Gooldhaliye Ee Ugu Fiican Qaramada Oo La Qiimeeyay &
Hoggaamiyaha xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa habeenimadii Arbacadii soo dhaliyay goolkiisii 108-aad iyo midkiisii 109-aad ee waayihiisa heer qaran ee cajiibka ah kaddib markii uu goolal u badalay laba rigoore oo loo dhigay kulankii France.
Gool kulaadkii labaad ee uu dhaliyay Ronaldo ayaa ka dhigan inuu hadda rekoodhka ciyaaryahanka abid kulamada caalamiga ah ugu goolasha badan la yahay Ali Daei oo Iran usoo ciyaaray.
Dabcan waa rekoodh kale oo ka yimid mid kamida xiddigaha ugu fiican abid kubadda cagta haddiiba uusan ahayn midka ugu wanaagsan, waxa macquul ah inuu rekoodhka Ali Daei dhaafo ciyaarta ay wareega 16-ka ee Euro 2020 la kulmayaan Belgium.
36 sano jirkaas oo loo arko gool dhaliyaha ugu fiican taariikhda kubadda cagta ayaa isbar-bardhig lagula sameeyay xiddigaha kale ee goolasha ugu badan kasoo dhaliyay kulamada caalamiga ah.
Qiimayntan ayaa ah mid ah cel-celiska goolasha ciyaaryahanku dhaliyay iyo tirada kulamada uu qarankiisa metelay.
Liiskan oo 25 ciyaartoy ka kooban ayuu CR7 booska 15-aad kaga jiraa waxaana ka horreeya tiraba afar xiddig oo hadda wali kusii jira garoomada halka halyeeyga xulka Hungary ee Sandor Kocsis uu hoggaanka u hayo.
Akhriso Liiska Oo Dhan
25. Hossam Hassan (Egypt) – 0.39
Kulan: 178
Gool: 69
24. Robbie Keane (Republic of Ireland) – 0.47
Kulan: 146
Gool: 68
23. Lionel Messi* (Argentina) – 0.50
Kulamada: 147
Goals: 73
=21. Majed Adbullah (Saudi Arabia) – 0.51
Kulamada: 140
Goals: 72
=21. Carlos Ruiz (Guatemala) – 0.51
Kulamada: 133
Goals: 68
20. Miroslav Klose (Germany) – 0.52
Kulamada: 137
Goals: 71
19. Kiatisuk Senamuang (Thailand) – 0.53
Kulamada: 134
Goals: 71
=17. Hussein Saeed Mohammed (Iraq) – 0.57
Kulamada: 137
Goals: 78
=17. Robert Lewandowski* (Poland) – 0.57
Kulamada: 122
Goals: 69
=15. Cristiano Ronaldo* (Portugal) – 0.61
Kulamada: 178
Goals: 109
=15. Stern John (Trinidad) – 0.61
Kulamada: 115
Goals: 70
=13. Didier Drogba (Ivory Coast) – 0.62
Kulamada: 105
Goals: 65
=13. Godfrey Chitalu (Zambia) – 0.62
Kulamada: 111
Goals: 69
12. Sunil Chhetri* (India) – 0.63
Kulamada: 118
Goals: 74
11. Neymar* (Brazil) – 0.64
Kulamada: 107
Goals: 68
=9. Romelu Lukaku* (Belgium) – 0.66
Kulamada: 96
Goals: 63
=9. Mokhtar Dahari (Malaysia) – 0.66
Kulamada: 131
Goals: 86
8. Piyapong Pue-on (Thailand) – 0.70
Kulamada: 100
Goals: 70
7. Ali Daei (Iran) – 0.73
Kulamada: 149
Goals: 109
6. Ali Mabkhout* (United Arab Emirates) – 0.82
Kulamada: 93
Goals: 76
5. Pele (Brazil) – 0.85
Kulamada: 91
Goals: 77
=3. Kunishige Kamamoto (Japan) – 0.99
Kulamada: 76
Goal: 75
=3. Ferenc Puskas (Hungary) – 0.99
Kulamada: 85
Goal: 84
2. Gerd Muller (West Germany) – 1.09
Kulamada: 62
Goal: 68
1. Sandor Kocsis (Hungary) – 1.10
Kulamada: 68
Goal: 75