Maxay Ahayd Farriintii Uu Cristiano Ronaldo Ka Helay Ali Daei Oo

Halyeyga reer Iran ee Ali Daei ayaa indhihiisa ku daawanayay iyadoo uu xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu barbarraynayo rikoodhkiisii goolasha kulamada caalamiga ah, taas oo ka dhigan in wixii hadda ka dambeeya uu CR7 kala wareegayo laacibka haysta rikoodhka goolasha ugu badan.

Ronaldo ayaa laba gool oo rikoodheyaal ah u dhaliyey Portugal kulankii Arbacadii ay wada ciyaareen France, waxaanay tirada goolasha uu u dhaliyey xulka qarankiisu noqdeen 109, iyadoo uu soo qabtay Ali Daei oo sannado badan ahaa ciyaartoyga ugu goolasha badan ciyaaraha caalamiga ah ee xulalka.

Gool-dhaliyaha hore ee reer Iran ayaan hambalyada kala masuugin Ronaldo markii uu rikoodhkiisa soo qabtay, waxaana uu usoo diray qoraal uu ku yidhi: “Hambalyo Cristiano oo hadda hal gool u jira inuu jabiyo rikoodhkii gool-dhalinta ee kulamada caalamiga ah.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in guushan cajiibka ah uu yeelanayo Ronaldo oo ah ciyaartoy guuleyste kubadda cagta ah iyo daryeele binu-aadam ah oo saamayn ku leh nolosha adduunka oo dhan.”

Daei oo ay da’diisu tahay 52 jir, waxa lagu tilmaamaa  inuu ka mid yahay ciyaartoydii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta ee qaaradda Asia, waxaanu rikoodhka gool-dhalinta 109 gool uu ku gaadhay 149 kulan oo uu saftay, halka Ronaldo uu kusii dhow yahay 180 ciyaarood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More