Skip to content
Friday, October 16, 2026 4 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:32
Muqdisho 26°C
Breaking: Somalia’s Hassan Sheikh Visits Turkish Vessel in Move Seen as Public Diversion
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Qiimaynta Ciyaaryahanadda Kulankii Manchester United vs

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Manchester United ayaa guul weyn oo 4-1 ah kasoo hoysay kulankii ay safarka ku tagtay garoonka St. James’ Park ee Newcastle United, taas oo uu Bruno Fernandes rikoodhe khasaariyey ka hor intii aanu gool kale isku sixin.

Marcus Rashford ayaa Manchester United guusha ka caawiyey, waxaanay u ahayd habeen uu si adag u shaqeeyey oo uu gool dhaliyey, caawinna sameeyey.

Luke Shaw ayaa gool iska dhaliyey bilowgii ciyaarta, waxaase saxay Harry Maguire oo madax ku dhaliyey goolka barbarraha.

Qaybtii oo dhamaad ku dhow ayuu Bruno Fernandes gool qurux badan Manchester United ugu dhiibay hoggaanka, waxaana mid kale ku daray Aaron Wan-Bissaka oo shan daqiiqadood oo kaliya ka dambeeyey, halka uu Marcus Rashford ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ciyaarta ka dhigay natiijada kulanka 4-1.

Xiddigii garoonka

Bruno Fernandes ayaa rikoodhe laga qabtay, sidoo kalena gool uu dhaliyey uu ka diiday VAR ka hor intii aanu mid sharci ah oo aan muran gelin ku qorin magaciisa.

Laacibkan ayaa ciyaarta kala hagayay, waxaanu qiimaynta kulanka ka helay darajada 7, waxaana ka sarreeyey Wan-Bissaka, Maguire iyo Mata, haddana telefishanka Sky Sports ayaa Fernandes u doortay xiddigii garoonka.

Qiimaynta ciyaartoyda Manchester United ayaa wada fiicnayd, laakiin Newcastle United ayay ahaayeen kuwa liitay ee intooda badan ay xiddigaheedu ku hafteen garoonka dhexdiisa.

Krafth, Fernandez, Lascelles, Lewis, Hahyden, Hendrick iyo Wilson ayaa dhamaantood qiimaynta kulanka ka keenay darajada 5, laakiin waxa ciyaarta oo dhan ugu liitay Joelinton oo 3 kaliya loo qoray.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood

Newcastle: Darlow (7), Krafth (5), Fernandez (5), Lascelles (5), Lewis (5), Hayden (5), Shelvey (6), Hendrick (5), Saint-Maximin (6), Joelinton (3), Wilson (5).

Beddelka: Schar (6), Fraser (5), Almiron (n/a).

Man Utd: De Gea (7), Wan-Bissaka (8), Lindelof (7), Maguire (8), Shaw (7), Fred (6), McTominay (6), Mata (8), Fernandes (7), James (6), Rashford (7).

Beddelka: Matic (n/a), Pogba (6), Van de Beek (6).

How do you rate this story?

0 votes