FADEEXAD: Xiddig Afrikaan Ah Oo Been Ka Sheegay Magaciisa & Da’diisa
Kooxda kubadda cagta Stuttgart ee ka dhisan waddanka Germany ayaa daboolka ka qaadday in xiddigeeda weerarka ee ugu goolasha badnaa xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2020-21 uu isticmaalayay magac been ah.
- Advertisement -
Weeraryahanka reer Congo ee Silas Wamangituka ayaa qaaradda Yurub tegay sannadkii 2017 isagoo u ciyaaray kooxda yar ee Ales, waxaana uu usii dhaafay Paris FC sannad kaddib.
Stuttgart ayaa Silas Wamangituka waxay kasoo iibsatay Paris FC sannadkii 2019 isagoo u saxeexay heshiis shan sannadood ah, laakiin kooxda ayaa hadda ogaatay in aqoonsiyada uu sito ciyaartoygan ay qaldan yihiin oo magaciisu aanu ahayn midka ku qoran dokumentiyada uu sito ee kooxdu ay kula soo wareegtay.
War-saxaafadeed ay soo saartay Stuttgart ayaa waxay ku sheegtay, in magaca dhabta ah ee ciyaartoygani uu yahay SIlas Katompa Mvumpa, isla markaana aanu dhalanin waqtiga ugu qoran waraaqaha uu haysto ee ah 1999, balse dhab ahaantii uu dhashay 1998, taas oo ka dhigan in uu yahay 22 jir.
Kooxda ayaa intaa ku dartay in magaca ciyaartoygan uu qalday wakiilkiisii hore oo u dhashay Belgium oo gacanta ku hayay baasaboorkiisa iyo xisaabtiisa baanka intaba, isla markaana maamulka laacibkan oo dhan isagu lahaa.
Stuttgart ayaa ballan-qaadday in ay ka caawin doonto ciyaartoygan wax kasta oo lagama maarmaan ah, si macluumaadkiisa loogu saxo.
Silas oo la hadlay website-ka kooxdiisa Stuttgart ayaa isaguna sheegay in macluumaadkiisa shaqsiga ah ee qaldan ee da’da iyo magacuba ay saamayn ku yeesheen noloshiisa.
“Waxa aan ku noolaa cabsi joogto ah sannadihii u dambeeyey, waxaanan aad uga walwalsanaa qoyskayga ku nool Congo. Waxay igu ahayd tallaabo adag si aan u sheego xogtayda.” Ayuu yidhi.
Silas ayaa u ciyaaray Stuttgart 58 kulan oo dhamaan tartamada ah labadii xilli ciyaareed ee uu joogay kooxdan, waxaanu u dhaliyey 21 gool.
11 ka mid ah goolashan waxa uu ka dhaliyey horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii tegay, waxaanu ka caawiyey kooxda in ay ku dhamaysato kaalinta sagaalaad ee horyaalka Bundesliga, waxaanu ku daray 13 caawimood.