Miyuu Hanashada Premier League Ku Hammiyayaa Edinson Cavani?

Saxeexa cusub ee kooxda Manchester United ee Edinson Cavani ayaa shaaca ka qaaday hammigiisa kooxdaas kaddib markii uu qaab bilaash ah ugu soo wareegay habeenkii ugu dambaysay ee suuqii xagaaga ee 5-tii bishan October xidhmay.

Marka laga yimaado inay rekoodh 20 horyaal ah kusoo guuleysteen, Man United ayaa sanadahan tan iyo bixitaankii tababare Sir Alex Ferguson ahayd mid guusheedii horyaalku hakad gashay.

Xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa ee ay Man United qaadatay kaddib Alex Ferguson ayaa ahaa xilli ciyaareedkii 2017-18 markaas oo uu Jose Mourinho ku hoggaamiyay kaalinta labaad ee miiska kala sarreynta.

Xilli ciyaareedkan ayay markale qaab gaabis ah ku bilaabatay kooxdaasi kulamada horyaalka iyagoo laba kamid ah saddex kulan oo ay soo ciyaareen guuldarrooyin soo qaabilay isla markaana kulankii ugu dambeeyay 6-1 ugu soo guuldarraystay Tottenham.

Cavani oo lix horyaal lasoo qaaday PSG ayaa u sheegay Website-ka rasmiga ah ee Man United in hammigiisu yahay inuu horyaalka la qaado kooxda kaddibna ay koobabka kale diirada saari doonaan.

“Waxaan filayaa in ciyaaryahan kasta oo dabiiciyan tartame ahi uu markasta doonayo inuu ku guuleysto koob” ayuu yidhi Edinson.

“Waxaad markasta u shaqaynaysaa si adag sidaas darteed markasta xisaabta ugu wanaagsan ayaad naftaada siin kartaa, marka lagu saleeyo inaad qaabkaaga ugu wanaagsan u ciyaarto waxaad heli kartaa natiijada saxda ah”

“Waxaan hadda uun kusoo biiray mid kamida kooxaha ugu waaweyn dunida, waxaan filayaa in mid kamida ujeedooyinka koowaad ee ay kooxdu leedahay ka koox ahaan ay tahay inay guuleysato oo ay kooxda koobka qaadaysa noqoto, waxaan ka bilaabayaa Premier League kaddibna waxaan u dhaqaaqaynaa koobabka kale”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More